Pages home

Wednesday 29 May 2013

FULL VIDEO: DABALDAGII CIIDAMADA SOMALILAND 18 MAY 2013

18 may iyo Xigdiga geeska 2013 heestii miyay murudilac asqoobeen new song

Mohamed PK iyo hees cusub (KAABA) 2013

 
kaskiyo kaa saray maanka kalgacal hanka kuma qabo
keydki kuma lihid qalbiga,keligey caashaqa qabiyo
kurbadiyo lagooy wadnaha kalkuu kalintaada waaye
kootada lafta kugu xiray kolhore adiga kasbane
kaaftoon qalbigaad rabtee kakac kuma samo luladuye......kabtan hurdo lagu gamine

Nimcaan Hilaac (Arwaax) ,hoy aday naftani arwaax kuu ahatee ila gabo jacaylka

Gabaygan waxa la yidhaa JU-JUUB, waxana hal abuuray Abwaan Abdirisaaq Oday,wuxuuna Jawaab u yahay cid kasta oo u haysta inuu qarankani ku dhisanyahay Dhalanteed kuna yimid Caadifad, wuxuuna soo baxay 18/May/2013


Gabaygan waxa la yidhaa JU-JUUB, wuxuuna Jawaab u yahay cid kasta oo u haysta inuu qarankani ku dhisanyahay Dhalanteed kuna yimid Caadifad, wuxuuna soo baxay 18/May/2013

1. Jiimlayda gabay waayo dheere, Jeebka kuma hayne,
2. Jiibtiyo araartii ma ridin, igu jaxaysnayde,
3. Jumladbaan ku haystaa murta, ina jibaaxoowe,
4. Jaahiliyo midkii aan aqoon, way jajabiyaane, 
5. Dhagta jalaq u siiyoo bulshooy, Jooja hadalkiina,

6. Ingiriiska jaanka ah markan magane , jaan gooyay,
7. Calankiyo kolkaan dawlad jama, Joojay lugihiisa,
8. Waataan jamaadeey mar qudha, Xamar u jegaysatay,
9. Waataan jikaaray ka riday, jooflihii qabayae,
10. Abaalkayga maba jari karaan, jaadkastuu yahaye

11. Jibadii I haysiyo ma jiro, jidhidhicoodkiiye,
12. Qalbigaygii kuu jaabudnaa, jeesay waa hora’e,
13. Calankii jamuudiga ahaa, jeexayoo dhigaye,
14. Wanaag iyo jacaylkaan qabiyo, nacay jarmaadkiiye,
15. Walaalnimadii aan koolin jiray, waad jardhamiseene,
16. Koomaad ku jiideen intaad, jeelka galiseene,
17. Ka jibraday kolkii aad dhurwaa, jabisay xeerkiiye,
18. Laabtaydana ka jaray, midaw danbiyo jariska xoorkiiye,
19. Wixii aan u jeediyo adaan, jalan yahuuntiiye,
20. Gafna maaha waan kaa jibdhaday, ina jareeroowe,

21. Jeeroon aqoonsiga hantiyo, sharfta joogeeda,
22. Jeeroon aduunyada ka helo, ju’asho dheeraada,
23. Jeeroo dulmigii aad gasheen, jaaha ka cadaado,
24. Kuu joojin maayee dadoow, jabadinkaa yaala,
25. Oo waynu kala jeedsanee, jiida naga daaya,

26. Jeexyada wajeeriyo ilaa, jubada hoosteeda,
27. Jigjigiyo jabuutiyo ilaa, jararka laas-dhuure,
28. Jamhuur qudha inay noqotabaan, jaaranoow wadaye,
29. Jeeskaliya inaan wada dhisnaan , Jaambadoow rabaye,
30. Waxa aan u jeel qabay in badan, jamaca soomaale,

31. Jeed-jeedsan maayee runtaan, kuu jalwinayaaye
32. Kuman jalaqsan, kuman joogle, iyo kuman jamaamuura,
33. Kuman jilicsan, kuman wada jaljalan, kuman jadeecaysan,
34. Kuman jiiqle, kuman wada jabiyo, kuman jibaadaya,
35. Intaasoo kun oo wada jiroo, wada jabaaqaaya,
36. Ayaabay jimcaaloow naftiyo, kaba jareen ruuxda,

37. Inatay iga jilaabeen ka badan, jaamacoow tima’e,
38. Jabkii ay badeenbaa khalqigu, jaah wareeryahaye,

39. Jarmal iyo itali iyo intii, yurubta jaalkeeda,
40. Jeenyaha markii laysla dhacay, iyo jilibka baaciisa,
41. Ee jawdu kala yeedhayee, jidanatay baaruudu,
42. Ee jixinjixii laga tagiyo, judha walaalawga,
43. Ee jiriqsigii dawladuhu, jaale dami wayday,
44. Ee jiimis ina kaaratar, iyo joosaf diriraayay,
45. Muslaiini joofkiyo wuxuu, ridayaay jaynaanka,
46. Hidlarkii jiraabasaday wuxuu, ganayay jaajuuska,
47. Al beeniya wixii lagu jibdhee, lagu jafee layaay,
48. Seerbiyiyo xasuuqii jixnaday, carabta jaaxuunsan,
49. Jeejniyo ruwaandiyo kuwii ,jawshka lagu qaaday,
50. Midkasii xad-jira buu ahaa, kaan u soo jiraye,

51. Jiibka iyo kaaruhu wuxuu, jala butaynaayay,
52. Waxay jiiqda reenkiyo, shilkuhu jalaw yidhahdaanba,
53. Hoobiyuhu wuxuu jiibiyuu, gubayay jiidhkooda,
54. Baaruuda jolashiyo wuxuu, suugu jananaayay
55. Dhishiikuhu wuxuu jalaw yidhuu, jarayay neeftooda,
56. Sabankii jamuuxiyo, wuxuu miigu jiriqeeyay,
57. Dubaabdku waatay jareen, ina janaaloowe,
58. Diyaaradku waxay nagu jibdhaan, saanad kala jaada,
59. Afantarigu wuxuu jiitamuu, mariyay jaantiisa,
60. Faalkiyo badh jeexiyo ilaa, suuga jumuqeeya,
61. Jalfistiyo waxay miidaiyo, xabadu jiidhaaba,
62. Waatay na jawreen wax badan, janandoodiiye,
63. Jaliilbaan ku dhaartee, kolnaba teelo may jirine,

64. Car juuqdhaha, car soo jeestadii, lay jiljilosaaray,
65. Wixii cago juglayn iyo ahaa, jawliskiyo cayda,
66. Jidh-xunyahw wixii laygu yidhi, saaka uma jeedo

67. Juj-uub kuma cabaanoo shimbiro, jaahil baad tahaye,
68. Mar labaad miyaa laygu jiqi, jaraskii aan yaalay,

69. Gobanimada waa loo jirwacay, loona jiidh go’aye,
70. Jihad iyo dhibaa loo mariyo, jaxar colaadeede,
71. Jabhad iyo kulbaa loo galiyo, jaan kastoo adage,
72. Jam-jam may ku timid, awgayoow waan u soo jabaye,

73. Sidii laba daloo jarahoo, nabad ku joogtawda,
74. Ayaabaan jantee mayla jagi, waa janiyo nuure,
75. Mise waan is jiid-jiidanaa, maba jukhawdaane,

Abwaan Cabdirasaaq Maxamad Cabdilaahi ( Oday)
Abwaanoday@hotmail.com 4015790/9127757

Daawo waa mujaahid muuse biixi abdi ooo cadaynaysa inuu ugalmo kursiga ugu sareeya somaliland ee madaxwayne..nala dawada hadalda qiimaha iyo falsafadku jirto ee uu ka jeediyay madasha.

Chinese Baby thrown down a toilet is released from a sewer pipe

RAJONEWS- Heestii Somaliland Nabad Nuurka 2013

Wednesday 28 November 2012

gabay burco loo sameeyay waxaana samaysay waleesheena gabaya

Burcadii Bilneeydeey
Boholyowga caashaqa
Baradeeda ahaydeey
Bilaneey ma nabad baa ? 
Tii geesi bilanoo

Barta aan ka kicinoo
Balaayadana difaacana
Burcadii lahaydeey
Bilaneey ma nabad baa?
Boholaha xargagan iyo
Buuro tii aan lahayneey
Bari siman ahaydeey
Dhirtu ay ku badan tahay
Bilaneey ma nabad baa?
Toga oo soo burqadayoo
Ceel baaxad weyn loo
Laga waayin biyo abid
Burcadii lahaydeey
Bilaneey ma nabad baa?

Somaliland municipal elections has started nationwide on early hours of Wednesday for the second time since democracy was restored in 2002.

Thursday 26 April 2012

daawo video nin dadiisu ku dhawday 90 sano oo ah idaacada wareegta ilaa ...

Somaliland: Dacwada Loo Haysto Boqor Buur-madaw Oo Markii U Horaysay La Dhegeystay, Dooddii Qareenada Difaacayay Iyo Dareenkii Ku Xeernaa


Somaliland: Dacwada Loo Haysto Boqor Buur-madaw Oo Markii U Horaysay La Dhegeystay, Dooddii Qareenada Difaacayay Iyo Dareenkii Ku Xeernaa



Hargeysa(rajonews)Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), ayaa saaka la keenay  Maxkamadda gobolka Hargeysa. Kadib markii uu mudo ka baddan Afartan maalmood ku xidhnaa xabsiga dhexe ee Hargeysa. Boqolaal qof ayaa saaka isugu yimi xili hore barxada hore ee

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Cayimay Mudada Hay’addaha Dawladu Gudbinayaan Kharashaadka Ay Dalbanayaan



Hargeysa(Rajonews) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa qoraal uu ku cayimay muadada kama danbaysta ah ee looga baahan yahay inay gudbiyaan kharashaadka ay u baahan yihiin u gudbiyay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, madaxda wasaaradaha iyo hay’addaha
kale ee dawladda. 
Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka Maaliyadda oo ujeeddadiisu ahayd waqtiga bixinta kharashaadka daruuriga ah, waxa madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda lagu amray inay inay ugu dambayn 20-ka bil walba Xisaabiyaha Guud ee Qaranka u gudbiyaan kharashaadka daruuriga ah ee la xidhiidha socodsiinta hawlaha qaranka sida mushaharooyinka iyo gunnada hawlwadeennada qaranka, raashinka ciidammada, jeelasha iyo cusbitaallada iyo shidaalka, iyadoo Xisaabiyaha Guudna lagu wargeliyey inuu kharashaadkaas bil walba 25keeda u gudbiyo baanka. 
“Ujeeddo: Waqtiga Bixinta Kharashaadka Daruuriga ah: 
Waxa jira kharashaad daruuri u ah hawl socodsiinta qaranka, kuwaas oo u baahan in waqtiga ugu horreeya ay baxaan, kharashaadkaasna waxa ka mid ah:- 
Mushaharka iyo gunnada hawlwadennnada qaranka; 
Raashinka ciidammadda, jeelasha iyo cusbitaallada; 
Shiddaalka. 
Sidaasawgeed, waxa madaxda wasaaradaha iyo hay’addaha dawladda ee warqaddu ku socoto lagu wargelinyaa inay kharashyada kor ku qoran u soo gudbiyaan Xafiiska Xisaabiyaha Guud ugu dambayn 20-ka bil walba. Sidoo kale Xisaabiyaha Guud ee warqadadni ku socoto isna waxa lagu wargelinyaa inuu kharashyada kor ku xusan Baanka u gudbiyo ugu dambayn 25 ka bil kasta,” ayuu Wasiir Samaale ku yidhi wareegtada uu ku socodsiiyey madaxda wasaaradaha, hay’addaha dawladda iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka. 
rajonews.com

Tuesday 24 April 2012

Chalsea ayaa guul ka gaadhay kulankii ay lahayd kooxda hada sii lacaafaysa ee barca isla markaana toban nin iyo sadex laba gaol kaga adkaataykuwan goalashii daawasho wanaagsan:

Isku Aadka Tartamada Kubada Cagta Ee Ciyaaraha Olimpikada Oo La Soo Saaray.


Waxaa maanta la soo saaray isku aadka tartanka kubada cagta ragga ee ciyaaraha Olimpikada ee ka dhacaya bisha July ee sannadkan magaalada London ee dalka Ingariiska.
Xulka Great Britian oo laga soo xuli doono dalalka ay ka kooban tahay UK, ayaa ku jira Group adag waxaana ay Group A la wadaagaan Senegal, United Arab Emirates iyo Uruguay.
Dhawaan ayaa muran uu ka jiray soo xulida ciyaartoyda ka qeybgaleysa ciyaaraha Olimpikada ee Great Britain, lakiin FA-ga ayaa sheegay in ciyaartoyda ka qeybgasha ciyaaraha Euro 2012 inaysan ciyaari doonin ciyaaraha Olimpikada.
Waxaa la filayaa in xulalka ka qeybgalaya lagu soo darro sida caadiga ah ciyaaryahano magac leh, lakiin badankood waxa aay ku tiirsanaan doonaan ciyaartooyda da’dooda ka yar tahay 23 jir.
Isku aadka tartanka kubada cagta ragga ee ciyaaraha Olimpikada waa sida tan:
Group A: Great Britain, Senegal, United Arab Emirates, Uruguay
Group B: Mexico, South Korea, Gabon, SwitzerlandGroup C: Brazil, Egypt, Belarus, New Zealand
Group D: Spain, Japan, Honduras, Morocco
Isku aadka tartanka kubada cagta haweenka ee ciyaaraha Olimpikada waa sida tan:
Group E: Great Britain, New Zealand, Cameroon, Brazil
Group F: Japan, Canada, Sweden, South Africa
Group G: USA, France, Colombia, Korea DPR
rajonews.com

Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Bilowday Dhageysiga Dacwada Loo Haysto Boqor Buur-Madow Iyo Nuxurka Eedaymaha Xeer Ilaalintu Kiiskan U Cuskatay

Hargeysa (Rajonews) Apr 24,2012 – Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa maanta gudo-gashay dhageysiga dacwada boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-madow) oo muddo dhowr bilood ah ku xidhnaa jeelka dhexe ee Hargeysa.
Dacwadan oo noqonaysa tii ugu horeysay ee masuul Madax-dhaqameed ah lagu soo oogo, ayaan loo ogolayn inay warbaahintu goob-joog ka ahaato, iyadda oo bilowgii dhageysiga dacwadan ay u soo diyaar-garoobeen dad badan oo ay ku jiraan Madax-dhaqameed iyo ehelada boqor Cismaan Aw Muxumed Buu-madow.
Dhageysiga dacwadan loo haysto boqor Buur-Madow oo nuxurkeedu yahay inuu wax ka sheegay shakhsiyada Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo xukuumaddiisa ayaa waxa boqorka ku soo oogay xeer-ilaalinta gobolka oo muddo kiiskan baadhayey isla-markaana hore u codsaday in dib loogu dhigo.
Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow) ayaa waxa difaacaya laba garyaqaan oo kala ah Maxamed Jaamac iyo Maxamed

Hees Cusub Oo La Magac Baxday Dulmiye Oo Halbeegnews Ku Soo Bandhigayso Marxaladda Cakiran Ee Dalku Gallay Daawo Oo Dhegayso


Hargeysa (Halbeegnews)– Shabakadda Caalamiga ah ee Halbeegnews ayaa idin soo gudbinaysa hees cusub oo la magac baxday Dulmiye, taasi oo ka turjumaysa dhacdooyinka adhax jabka iyo waji gabaxa ku ah qaranimadii iyo jiritaankii, wada noolaanshahii iyo midnimadii Somaliland ee Xukuumaddii Kulmiye

Madaxweyne Siilaanyo Oo Saxeexay Xeerarka Baananka iyo Afar Bank Oo Xaqiiiyey inay Xarumo Ka Furanayaan Hargeysa


Hargeysa (Rajonews)– Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Mr. Cabdi Dirir ayaa gallabta u xaqiijiyey Wakaaladda wararka ee Reuters inuu Madaxweyne Siilaanyo saxeexay dhaqan-gelinta xeerka baananka Somaliland ka dib markii golaha wakiiladdu ay soo ansixiyeen.
Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland wuxuu sheegay inay golayaasha sharci dejinta dalka ka sugayaan ansixinta xeerka kala xadaynta baananka ganacsiga Somaliland (Somaliland Banking Act Law) kaasi oo sharciyeyn doona qaabka ay baananku u hirgelayaan.
ka dib meel marintani Xeerka baananka ay Xukuumaddu fulisay ayaa waxaa durtaba ku dhawaaqay inay danaynayaan furashada xarumo ay ku yeeshaan Somaliland shan Baan oo

Bidaartu Ma Cudur-baa Mise Waa Calaamadaha Da'da? Waa Su'aal u Baahan In Si Cilmiyeysan Looga Jawaabo.....

                                     

Bidaartu Ma Cudur-baa Mise Waa Calaamadaha Da'da? Waa Su'aal u Baahan In Si Cilmiyeysan Looga Jawaabo.....

Cilmi Baadhid ku Saabsan Bidaarta...........Bidaartu ma aha cudur laga argagaxo iyo wax Cimrigaaga oo dheeraaday ku yimaada, laakiin waa wax aan la jeclaysan sababta oo ah Ragga qaar ayaa u haysta in gabowgii soo food saaray. 
Bidaartu mataqaan midab takoorka caddan iyo madawtoona, waxay ay ku dhacdaa Rag yar-yar iyo Rag waa weyn-ba. Ragga qaar waxay ku abuurtaa Cuqdad, waxayna galisaa kharash aad u badan si ay timo ugu soo bixi laahaayeen ama waxay xidhaan wax timo u eg qaarkood. 
Rag badan oo lacag leh ama magac leh ayaa timo samaysan lahaa haddii ay u suurto galayso

Monday 23 April 2012

Nasashada webka waxaan ku nasan doonaa mcn Hees Cusub (Jeedaali): FARXIYA FISKA iyo CAYDARUUS HALYEY daawasho wacan

 
Rajonews

Daawo Video: Khabiir Ka Socda Shariikadda Jacka Resources Iyo Madaxa Shariikadda Petrosoma Maxamed Yuusuf Oo Oodweyne Gaadhay Shaaciyeyna Goorta Qodista Ceel No.26 Bilaabmayso


Oodweyne (Rajonews)– Madaxa shariikadda Petrosoma Maxamed Yuusuf Guray iyo khabiir ka socda shariikadda Jacka Resources ayaa si weyn dadweynaha gobolka Daad-madheedh ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Oodweyne.
Khabiirka shariikadda qaadatay mashruuca
qodista iyo soo saarista batroolka Ceel. No.26 ayaa shaaca halkaasi kaga qaaday in hawsha ay bilaabayaan bisha June ee sannadkani isla markaana riigagii lagu xidhi doono ceelkaasi, haddaba Daawasho Wacan warbixintani:
Rajonews, Hargeysa

Dacwad Ka Dhan Ah Madaxweynahii Hore Ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin Oo Garab Ka Mid Ah Xisbiga UDUB U Gudbiyey Maxkamadda Sare Ee Qarranka


Hargeysa (Rajonews)– Warar xogogaal ah oo ka soo baxaya Dacwad shallay loo gudbiyey Maxkamadda sare ee Somaliland oo ku saabsan Guddoomiye-nimada xisbiga UDUB oo ka dhan ah Madaxweynahii hore ee Somaliland ayaa la sheegay in garabka ka soo horjeeda Daahir Rayaale Kaahin ay door-bideen in khilaafkii xisbiga Maxkamadda sare ee dalka lagula noqdo.
Qodobka ay kooxda ka soo horjeeda Rayaale u cuskadeen Dacwadooda ayaa la sheegay inuu yahay Qodobka 11.7 ee Xeerka Xisbigaasi, ee lagu Ansixiyay Shirweynihii Xisbigaasi ee 7/7/2009 lagu qabtay Huteelka Maan-soor, kaasoo dhigaya:-
Guddoomiyaha UDUB ee Musharaxnimada ugu danbaysa ku guulaysan waaya Tartanka Madaxweynenimada dalka, wuxuu banaynayaa jagada Guddoomiyaha Xisbiga UDUB, si Xisbigu u doorto Guddoomiye cusub oo uga qayb gala Tartanka Doorashada Danbe ee Madaxweynaha.
Ilo wareedyada

Dawladdaha Ingiriiska,Turkiga Iyo Nidaamka TFG-da Oo Usoo Bandhigay Siilaanyo Maamul Goboleed La Mid Ah Sida Jasiiradaha Zanzibar


Hargeysa (Rajonews)– Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Ahmet Davuto?lu ayaa shallay isagoo u waramaayey telefishanka NTV ee dalka Turkiga wuxuu ka waramay halka uu marayo qaban-qaabadda shirka Soomaalida ee lagu qabanayo bisha June sannadkani kana dhici doona magaalada Istanbul.
Mr. Davuto?lu Wasiirka khaarajiga ee dalka Turkigu wuxuu sheegay inay shirkani ku soo martiqaadayaan dhammaanba ayuu yidhi qaybaha siyaasadda ee soomaalidu ka koobantahay, wuxuu sheegay inay dawladiisu ku jirto wada-hadalo ay iskaga dab-qaadayso kooxda xagjirka ah ee Alshabaab iyo Dawladda TFG-da, wuxuuna wasiirku sheegay inuu rajo ka qabo in labadaasi dhinac ay wax isla meel dhigaan ka hor intaan la gaadhin bisha August oo la soo dhisi doono ayuu yidhi Dawlad wadaag ah.
Mr. Davuto?lu Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkigu wuxuu sheegay in shirkani ay ku martiqaadeen waa sida uu hadalka u dhigaye

Daawo Video: Shan Urur Siyaasadeed Oo Ka Mid Ah Ururaddii Xukuumaddu Reebtay Oo Beesha Caalamka U Qoray Waraaq Ay Kaga Dalbanayaan Inaan La Taageerin Dimuqraadiyadda Somaliland Kana Waramay Cadaalad Darradii Ku Dhacday


Hargeysa (Rajonews)– Shan urur siyaasadeed oo ka mid ah sagaalkii urur siyaasadeed ee Xukuumadda iyo ururkeedii Diiwangelintu ay reebeen, ayaa maanta shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen xarunta Urur siyaasadeedka UDHIS ee caasimadda Hargeysa ayaa qoraal wada jir ah u diray

Sunday 22 April 2012

Haatan iyo nasasha weblka hees aad u macaan oo aynu inoo gaadayso Hodan Cabdiraxman Heestii Jiririco 2012 Hodan. dhagaysi haboon:

Djibouti Ee Hal Milyan Oo Dollar Ugu Deeqday Biyo-Xidheenka ETHIOPIA , Noqotayna Dalkii Labaad Ee Ku Biira Somaliland Oo Hore Qaadhan Ugu Yaboohday .


Djibouti Ee Hal Milyan Oo Dollar Ugu Deeqday Biyo-Xidheenka ETHIOPIA , Noqotayna Dalkii Labaad Ee Ku Biira Somaliland Oo Hore Qaadhan Ugu Yaboohday .

Djibouti (Rajonews) Apr, 22, 2012- Dawladda  dalka Djibouti,  ayaa   ETHIOPIA  lacag dhan hal Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ugu deeqday, taasoo gacan kaga gaysanayso dhismaha Mashuuraca Biyo -Xidheenka ETHIOPIA  ee Abai, oo ay Balaayin Dollar ku baxayaan.

Guddoomiyaha maamulka Dakedaha ee  Djibouti  Abubakar Cumar Haddi, ayaa cheque ay ku qoran tahay  lacag dhan hal Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah ku wareejiyey safiirka  ETHIOPIA u fadhiya  dalkaas  Ambassador Suleyman Dedefo.

Augustine Mahiga Oo Sheegay In Al-Shabaab Khatar Ku Tahay Somaliland Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Codsaday In La Qaado Cunaqabataynta Hubka Ee Soomaaliya Saaran.


Augustine Mahiga Oo Sheegay In Al-Shabaab Khatar Ku Tahay Somaliland Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Codsaday In La Qaado Cunaqabataynta Hubka Ee Soomaaliya Saaran.

 Hargeysa (Rajonews)  Apr, 22’ 2012- Wakiilka Qaramada Midoobay ee qaabilsan arrimaha Soomaaliya  Augustine Mahiga , ayaa sheegay in Al-shabaab ay khatar ku tahay ammaanka Somaliland iyo Puntland, kadib markii lagaga adkaaday dagaaladii  ay Koonfurta   iyo badhtamaha Soomaaliya kula galeen xoogaga dawlada iyo  ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Danjire Mahiga oo u waramayay Laanta  Af-soomaalig ah ee Idaacadda  VOA-da isaga oo ku suganaa  Hargeysa , ayaa sheegay in

Xildhibaan Ku Baaqay In Maamuus Ka Xayuubin Lagu Qaado Madaxweyne Siilaanyo Oo U Jeediyay Eedo Tiro Badan .


Xildhibaan Ku Baaqay In Maamuus Ka Xayuubin Lagu Qaado Madaxweyne Siilaanyo Oo U Jeediyay Eedo Tiro Badan .

Hargeysa (Rajonews) Apr, 22, 2012- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland,   ayaa ku baaqay in Madaxweyne Siilaanyo maamuuska laga xayuubiyo,maadaama oo  uu dalka jahaweer  siyaasadeed oo  ka dhan ah  shacriga  abuuray.

  Xildhibaan Qabile oo shir jaraa’id maanta ku qabtay hotel-ka Xaraf ee Magaalada Hargeysa,  waxa ku eedeeyay in Madaxweynuhu ku kacay  khiyaamo Qaran-isla markaakana ay  haboon tahay in shaqada laga caydhiyo, inkastoo uu muujiyay

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Digniin Culus U Diray Ururada Mucaaradka Ah Ee Qabanqaabinaya Mudaharaadyada.


Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Digniin Culus U Diray Ururada Mucaaradka Ah Ee Qabanqaabinaya Mudaharaadyada.

Hargeysa (Rajonews) Apr, 22, 2012- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa uga digay ururada mucaaradka  in ay qabanqaabiyaan mudaharaad aan la ogolayn,kuwaasoo  halis ku ah xasiloonida wadanka.

 Wasiirka  oo  shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in xukuumadda aanay u dul qaadan doonin in ururadii hadhay ay dhigaan  mudaharaadyo,iyada oo laga hortagi doono tallaabao kasta oo lagu abuurayo xasarado saamayn ku yeelan doono deganaanshaha   Magaalooyinka.

 Waxa uu hogaamiyaasha ururada hadhay, ku eedeeyay

Tageerayaasha Urur Siyaadeed Gurmad Oo Maanta Mudahaarad ka Sameeyay Burco Iyo Suxufiyiin La Garaacay.


Tageerayaasha Urur Siyaadeed Gurmad Oo Maanta Mudahaarad ka Sameeyay Burco Iyo Suxufiyiin La Garaacay.

 Burco(Rajonews) Apr, 22,  2012-Waxaa maanta ka dhacay    Magaalada   banaanbax aad u ballaadhan oo  ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha urur siyaasadeedka Gurmad ,kaasoo    lagu cambaareynayeyd hawaaqii  ka soo yeedhay  Gudida Diwaan gelinta ee ay  ku xiqiijiyeen  ururada ku hadhay   tartankii madax -tirsiga .

Banaabaxayaasha ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen erayo lid ku  ah gudida diwaan gelinta  dadaweyanaha mudaharaadyay waxa ka mida ahaa  erayadii ay ku dhawaaqayeen ‘’ Gudidu ma aha dhex dhexaad ee waxay u jan jeedhaan   dhinac .

Intaa ka dib

Kooxda Khaatumo State Oo Caydhisay Xubin Ka Tirsan Golaha Dhaqanka Oo Ka Biyo Diiday Siyaasadooda Iyo Burbur Soo Wajahay,


Kooxda Khaatumo State Oo Caydhisay Xubin Ka Tirsan Golaha Dhaqanka Oo Ka Biyo Diiday Siyaasadooda Iyo Burbur Soo Wajahay,

 Taleex(Rajonews)  Apr, 22, 2012- Kooxda Khaatumo, ayaa sheegtay in ay xilkii yy golaha dhaqanka ka hayay ka xayuubiyeen  Boqor Cabdilaahi Axmed Cali (Dabgooye) oo ka mida sagaalka xubnood ee golaha sare ee dhaqanka.
 War-murtiyeed laga soo saaray degmada Taleex ee xarunta  ayaa lagu  sheegay Boqorka  kalsoonidii lagala noqday , ka dib markii uu Magaalada Garoowe kaga qaybgalay shirkii lagu ansixinayay dastuurka maamu goboleedka Puntland, waxaana war-murtiyeedku u dhignaa sidan:
 Golaha  sare ee dhaqanka ee Dhulbahante ( GSD), waxa  xilkii iyo kalsoonidii kala noqday

Mudaharaadkii Ay Ku Baaqeen Ururadii Ku Hadhay Qiimayntii Madax-taabshada Ahayd Oo Guuldaraystay Iyo Xukuumadda Oo Adkaysay Amniga Magaalooyinka.


Mudaharaadkii Ay Ku Baaqeen Ururadii Ku Hadhay Qiimayntii Madax-taabshada Ahayd Oo Guuldaraystay Iyo Xukuumadda Oo Adkaysay Amniga Magaalooyinka. 

Hargeysa (Rajonew) Apr, 22, 2012- Mudaharaadkii ay maalintii shalay ku baaqeen ururadii ku hadhay qiimayntii madax-taabashada ahayd ee ay guddida diwaagelintu ururadu sameeyeen, ayaan saaka  dhicin .
 Mudaharaadyada oo ka dhici lahaa  guud ahaan deegaamada Somaliland, ayaa la sheegay in ay hakiyeen khilaafaadyo soo dhexgalay  hogaamiyayaashii  shalay baaqa jeediyay,kuwaasoo isku afgaran waayay sida loo abaabulaya  isu soo baxyadii la qorsheeyay, waxaana qaar ka mid ahi ay ka laabteen go’aanadii hore  la isula qaatay.
  Laba ka mida ururada ayaa la sheegay

Siddeedii Urur-Siyaasadeed Ee Laga Reebay Ka Qaybgalka Doorashada Golaha Degaanka Oo War-saxaafadeed Ay Ku Qabteen Magaalada Hargeysa Kalsoonidii Kala Noqday Guddida Diiwaangelinta, Taageerayaashoodana Ka Dalbaday.....(Daawo War-saxaafadeedka).


Siddeedii Urur-Siyaasadeed Ee Laga Reebay Ka Qaybgalka Doorashada Golaha Degaanka Oo War-saxaafadeed Ay Ku Qabteen Magaalada Hargeysa Kalsoonidii Kala Noqday Guddida Diiwaangelinta, Taageerayaashoodana Ka Dalbaday.....(Daawo War-saxaafadeedka).

argeysa(Rajonews) Apr.21, 2012 – Masuuliyiinta Siddeedii Urur-Siyaasadeed ee maalintii shalay ay ka reebtay guddida diiwaangelinta ururadu, ka qaybgalka doorashada golaha degaanka ee soo socda, ayaa maanta war-saxaafadeed ku qabtay magaalada Hargeysa.Masuuliyiintan ayaa war-saxaafadeedkooda ku sheegay

Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Dhageysatay Wejiga Labaad Ee Dacwada Masuuliyiinta Musuqa U Xidhan Iyo Xabsiga Oo Laga Bedalay Askartii Ilaalada Ka Ahaa Buur-Madow Iyo Xamarji.


Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Dhageysatay Wejiga Labaad Ee Dacwada Masuuliyiinta Musuqa U Xidhan Iyo Xabsiga Oo Laga Bedalay Askartii Ilaalada Ka Ahaa Buur-Madow Iyo Xamarji.

Hargeysa (Rajonews) Apr 21, 2012 – Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa maanta bilowday wejiga labaad ee dhageysiga dacwada masuuliyiinta loo haysto leexsiga raashinkii la dhacay.
Maxkamada oo todobaadkii hore bilowday dhageysiga dacwadan oo muddo dheer laga dhursugayey isla-markaana xeer ilaalinta gobolka Hargeysa ku oogayso saddexda masuul ee kala ah Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi-jeex, agaasimihii guud ee wasaarada dib-u-dejinta iyo la taliyihii Madaxwayne ku xigeenka Somaliland,

Prof Axmed Ismaaciil Samater Oo Taageeray Shuruuda Somaliland Ku xidhay Wadahadalada TFG Iyo Faysal Cali Waraabe Oo U Quus Gooyay Maamulka Puntland.


Prof Axmed Ismaaciil Samater Oo Taageeray Shuruuda Somaliland Ku xidhay Wadahadalada TFG Iyo Faysal Cali Waraabe Oo U Quus Gooyay Maamulka Puntland.

Hargeysa (Rajonews) Apr 21, 2012 – Prof Axmed Ismaaciil Samater oo ah aqoonyahan ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan mabda’a Somali-weyn ayaa soo dhaweeyay in Somaliland qaadacdo wada hadalo ay la gasho guddi ka socota Somaliya oo ay ku jiraan xubno asal ahaan ka soo jeeda Somaliland.Prof Axmed Ismaaciil Samater ayuu dhinaca kale ka soo horjeedsaday in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya loo xulo siyaasiyiin labada dhinac ka soo jeeda, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in Somaliland iyo Soomaliyaba laga xulo dad aqoon

Haweenka Xabsiga Gabiley Ugu Xidhan Kiiskii JIIF Oo JAQ Oo Qaarkood Carruur Ku Dhex Dhaleen Iyo La Taliyaha Madaxwaynaha Ee Haweenka Oo Xaaladooda Dareen Ka Muujisay.

                                                                               Haweenka Xabsiga Gabiley Ugu Xidhan Kiiskii JIIF Oo JAQ Oo Qaarkood Carruur Ku Dhex Dhaleen Iyo La Taliyaha Madaxwaynaha Ee Haweenka Oo Xaaladooda Dareen Ka Muujisay.
Gabiley (Rajonews) Apr 21,2012 – Haweenka ku xidhan xabsiga Magaaladda Gabiley ayaa markii ugu horeysay si niyad ah uga waramay

Qaramada Midoobay Oo Somaliland Ugu Baaqday Inay Ka Qayb-gasho Shirka Somaliya Loogu Qabanayo Turkiga Iyo Raysal-wasaaraha Dalkaasi Oo Casuumaya Madaxwayne Siilaanyo.


Qaramada Midoobay Oo Somaliland Ugu Baaqday Inay Ka Qayb-gasho Shirka Somaliya Loogu Qabanayo Turkiga Iyo Raysal-wasaaraha Dalkaasi Oo Casuumaya Madaxwayne Siilaanyo.

Hargeysa (Rajonews) Apr 21,2012 – Ergayga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Soomaliya Dr Augustine Mahiga ayaa Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu baaqay inay ka qayb-galaan shirka Soomaliya loogu qabanayo Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Dr Augustine Mahiga oo maanta qasriga Madaxtooyadda kula kulmay Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in shirka ka dhacaya horaanta bisha June Istanbul uu yahay mid

Wasiir Duur Oo Nidar Ku Maray Inuu Aqoonsiga Kala Noqon Doono Cuqaasha Dhaliisha Siyaasada Xukuumadda Iyo Weji Ku Macaashka Dawlada Oo Sii Kordhaya.


Wasiir Duur Oo Nidar Ku Maray Inuu Aqoonsiga Kala Noqon Doono Cuqaasha Dhaliisha Siyaasada Xukuumadda Iyo Weji Ku Macaashka Dawlada Oo Sii Kordhaya.

Hargeysa (Rajonews) Apr.21, 2012 - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland  Maxamed Nuur Carraale (Duur),  ayaa ku hanjabay in aqoonsiga kala noqon doono, isla markaana uu gunada ka jari doono Cuqaasha  dhaliisha xukuumadda uu ka tirsan yahay.

 Waxa uu sheegay in qaar ka mida Cuqaasha ay warbaahinta xukuumada u mariyaan eedo ay xaalado  ku abuurayaan,iyada oo dastuurka wadanku  ogol yahay in ay muwaadiniinta soo bandhiga karaan tabashooyinkooda.
Wasiirka ayaa  hadalkan

Saturday 21 April 2012

Waxa ayaamahanba saxaafada caalamku aad u gaadaa dhigaysay arin layaab leh oo ah keeg loo eekaysiiyay gabadh madow kaagani ayaa loogu magacdaray (PAINFULL CAKE) .

nasashada web waxaan maanta inoogu hayaa abwaan ka gabyay cajeerada ama laxooxda qof siduu u yaganee bal daawasho fiican

Ururada Siyaasada Ee Ku Hadhay Qiimayntii Guddida Diiwaangalinta Oo Ku Baaqay Mudaharaad Salmi Ah Oo Muddo Socda Iyo Xukuumadda Oo Aan Ilaa Hadda Ka Hadal.

Ururada Siyaasada Ee Ku Hadhay Qiimayntii Guddida Diiwaangalinta Oo Ku Baaqay Mudaharaad Salmi Ah Oo Muddo Socda Iyo Xukuumadda Oo Aan Ilaa Hadda Ka Hadal.
Hargeysa (rajonews) Apr 21,2012 – Inta Badan ururada siyaasada ee ku hadhay qiimayntii guddida diiwaangalinta ayaa maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa si guud u qaadacay go’aankii guddida diiwaangalinta, taageerayaashoodana ugu baaqay inay u diyaar-garoobaan Mudaharaad muddo saddex maalmood ah soconaya.
Guddoomiyayaasha ururada siyaasada ee ku hadhay qiimayntii guddida diiwaangalinta ayaa si isku mid ah

Dhacdadii Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye (Fiiro iyo Falanqo) W.Q Rashiid Sheekh Cabdillaahi X Axmed (Gadhweyne).

Dhacdadii Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye (Fiiro iyo Falanqo) W.Q Rashiid Sheekh Cabdillaahi X Axmed (Gadhweyne).
Mushkilad baa ka dhacday shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, 15kii Abriil, sannadkan 2012ka. Mushiladdu, tiro aad u yar mooyiye, dadka badankiisa waxay ugu muuqaataa dhibaato shakhsi ahaan ku dhacday xubin jago weyn ka haysay xisbiga Kulmiye; taas awgeed wax codku u badan yahay la-dareenwadaagga Md Cabdiramaan Cadilqaadir, oo ah ninka dhibaatadu ku dhacday oo taageero uu sideeda runtii mudan yahay loo muujinayo. Waxaa ka baxsan kuwo ku tartamaya qaylo dhaan qabiil oo iyagu dal iyo dadnimo ba ka hiilinaya. Dhinaca kale

Warsaxaafadeed Urur-Siyaasadeedka Horyaal Ka Soo Saaray Go'aankii Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda.

Warsaxaafadeed Urur-Siyaasadeedka Horyaal Ka Soo Saaray Go'aankii Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda.
Hargeysa (somalilandhereosstars) Apr 21,2012 – Urur siyaasadeedka HORYAAL ayaa si adag u qaadacay go’aankii Guddida diiwaangalintu ka saareen natiijadii qiimaynta oo ay ku sheegeen in ururka HORYAAL ku hadhay.War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha ururkaasi Maxamed Yuusuf Cali Gurey ayaa lagu sheegay sidan “Urur Siyaasadeedka  Horyaal  wuxuu halkan ku soo gudbinayaa mowqifkiisa ku aadan go’aankii ay ku sheegeen   Gudida Diiwaangelinta   in ururku Horyaal  ku hadhay qiimayntii  loogu gudbayey wejiga tartanka Doorashooyinka Golayaasha

War-saxaafadeed: Madaxwaynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyadda Ku Qaabiley Ergayga Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliya.

War-saxaafadeed: Madaxwaynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyadda Ku Qaabiley Ergayga Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliya.
Hargeysa (somalilandhereosstars) Apr 21,2012 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta qasriga Madaxtooyadda ku qaabiley ergayga qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya Dr Mahiga.ar-saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Madaxtooyadda oo Ramaas soo gaadhay ayaa isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay  Wakiilka gaarka

Friday 20 April 2012

Wasiirada Dhalniyarada ciyaaraha iyo Duulista Hawada Somaliland ayaa sii sagootiyey koox ciyaartoy kubada kolayga oo ka qaybgalaysa tartan ka dhacaya Magaalada Kampala

Ciidamada C.I.D-da Magaalada Laascaanood Oo Xabsiga Dhigay Weriye Ka Tirsan Idaacadda B.B.C-da.

Ciidamada C.I.D-da Magaalada Laascaanood Oo Xabsiga Dhigay Weriye Ka Tirsan Idaacadda B.B.C-da.
 Laascaanood (Rajonews) Apr, 20, 2012- Ciidamada dambi baadhista C.I.D-da ee Magaalada madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa maanta xasbiga u taxaabay weriye Axmed Ciise Guutaale oo ka tirsan laanta Af-Soomaaliga Ah ee Idaacadda B.B.C-da oo fadhigiisu yaha Magaalada Garoowe.
 Suxufiga ayaa  saaka lixdii Subuxnimo ay ciidamada dambi baadhistu ay xidheen, isaga oo ku soo

Sheekh Aaden Siiro Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Dulqaad Iyo Sir La’aan, Ayaan Darona Ku Tilmaamay Falkii Lagula Kacay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.


Sheekh Aaden Siiro Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Dulqaad Iyo Sir La’aan, Ayaan Darona Ku Tilmaamay Falkii Lagula Kacay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

Hargeysa (Rajonews) Apr 20,2012 – Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) ayaa xukuumadda talada dalka haysa ku dhaliilay dul-qaad la’aan iyo sirteeda oo dadku u siman yahay.Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud, waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay falkii dhaawacu ka soo gaadhay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ee ka dhex dhacay shirkii golaha dhexe ee Kulmiye, waxaanu tilmaamay

Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Somaliya Oo Hargeysa U Yimid Xalinta Khilaafka Somaliland Iyo Somaliya, Sheegayna Inaanay Wada Hadaladu Baaqanayn.

Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Somaliya Oo Hargeysa U Yimid Xalinta Khilaafka Somaliland Iyo Somaliya, Sheegayna Inaanay Wada Hadaladu Baaqanayn.
Hargeysa (Rajonews) Apr 20,2012 – Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Soomaliya Dr Augustine Mahiga oo Magaalada Muqdisho ka soo duulay ayaa goor-dhawayd soo gaadhay Caasimada Hargeysa.
Ergayga Qaramada midoobay ee Somaliya oo fadhigiisu yahay Magaaladda Muqdisho ee dalka colaaduhu naafeeyeen ee Soomaliya ayaa waxa madaarka Hargeysa ee Cigaal ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay wasiirka

Ururka WADANI Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Guddida Diiwaangalinta Ururada Siyaasada, Kuna Baaqay In Si Deg-Deg Ah Loo Muddeeyo Qabsoomida Doorashada Deegaanka


Ururka WADANI Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Guddida Diiwaangalinta Ururada Siyaasada, Kuna Baaqay In Si Deg-Deg Ah Loo Muddeeyo Qabsoomida Doorashada Deegaanka

Hargeysa (Rajonews) Apr 20,2012 – Urur siyaasadeedka Wadani oo kaalinta koowaad ka galay qiimayntii guddida diiwaangalinta ururada siyaasada ee u soo baxay ururada ka qayb-galaya doorashada deegaanka ayaa go’aanka guddidaasi soo dhaweeyay.
War-saxaafadeed uu maanta Hargeysa ka soo saaray Guddoomiyaha ururka WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa lagu sheegay in ururku ku ganacsan yahay go’aankaasi, isaga oo Guddoomiyuhu ku baaqay