Pages home

Sunday, 8 April 2012

Boqor Buur-Madaw Oo Maanta Maxkamad La Hor Keenay, Xeer Ilaalinta Oo Caddayn Ku Filan Keeni Wayday Dalbatayna Dacwadda In Dib Loogu Dhigo


Hargeysa (Rajonews)–Maxkamadda gobolka hrgeysa ayaa manta markii ugu horeeyay codsatay in la horkeeno maxkamadda boqor cismaan Aw Maxamud Buurmadow si ay u dhegaysato Eeda loo haysto.
Dhagaysaiga Dacwadan oo ahayd manta in la furro ayaan suurtogalin kadib markii ay Xeer Ilaalinat gobolku dalbatay in muddo sadex cisho ah dib loogu dhigo, iyadoo ku sababaysay inaanay wali Eediisii u soo dhamaystirmin.
Xeer ilaalinta ayaa Eeda boqorka sheegtay inay wali CID-du gacanta ku hayso oo aan loo soo gudbin sida ay warar xogogaal ahi waaheen u sheegeen.
Keenida maxkamadda la horkeenay Boqorka ayaa ahayd mid kadiso ah oo aan laga war haynin, waxaana saaka markii la keenay ogaa oo kaliya mid ka mid ah Qareenadiisa. Waxaana dacwada wadagalay boqorka, guddoomiyaha Maxkamadda iyo Xeer ilaaliyaha gobolka oo kaliya.
Qareenka Boqorka Qareen ildhibaan Maxamed Jaamac oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa yidhi ‘ boqorku muddo bil ka badan buu xidhnaa ilaa hada wax la weydiiyay iyo wax laga qoray toona ma jirto. waxaanu ka dalbanay maxkamaddu bal inay mar uun weydiiso Xeer ilaalinta bal ninkan xidhani waxa ka uu yahay iyo danbiga loo haysto weydiiya ayuu guddoomiyaha maxkamaddu maanta u yeedhay Boqorkiina waa la keenay wax dacwad ah iyo wax Eeda oo xeer ilaalintu hayso waa la waayay. dabadeed xeer ilaalintii ay guddoomiyaha ka dalbatay in ay toddobaad siiso haddii ay keeni kari waayaana ay iyadu go’aan gaadho’ ayuu yidhi qareenku
Xukuumadaa ayaa amaanka maxkamadda aad u adkaysay, isla markiibana waxa dib loogu celiyay Jeelka


No comments: