Gabiley (Rajonews) Apr 21,2012 – Haweenka ku xidhan xabsiga Magaaladda Gabiley ayaa markii ugu horeysay si niyad ah uga waramay
xaaladooda nololeed ee ay ku qabaan jeelkaasi oo ay maanta ku booqatay la taliyaha Madaxwaynaha ee arimaha haweenka Ilhaan Xaaji Miisaan.Haweenka ku xidhan jeelka Gabiley oo ay ku jiraan dumar badan oo xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Kaahin u xidh-xidhay mashruucii loo bixiyay JIIF oo JAQ oo dad badan lacago kaga lumeen, ayaa xaaladooda ku sheegay mid aayo beeshay, ka dib markii lagu ilaabay jeelkaasi isla-markaana intii xukuumadani talada dalka qabatay aan kiiskoodii la furin.

Haweenkan oo qaarkood uur xaamilo ah leeyihiin, qaarkood ku dhex haystaan carruur ay halkaasi ku dhaleen ayaa la taliyaha Madaxwaynaha ee arimaha haweenku u qaybisay xoogaa dhar ah oo ay si gaar ah ugu tallo-gashay.
La Taliyaha Madaxwaynaha ee Haweenka Marwo Ilhaan Xaaji Miisaan oo warbaahinta kula hadashay Magaaladda Gabiley ka dib markii ay dhageysatay cabashadii haweenka ay jeelka ku booqatay, ayaa sheegtay in Madaxwaynuhu amray inay ka war-doonto haweenka Jeelka Gabiley ku xidhan si xaaladooda looga war-qabbo, iyadda oo dareen murugo leh ka muujisay xaalada haweenkaasi, iyadda oo sidoo kalena xustay inaan haween dambe la xidhi doonin, iyadda oo muujinaysa dareenka ay halkaasi ku soo aragtay “Waxa kale oo ay intaa ku dartey hadalkeeda" waxaan ka jawaabayaa soo jeedinta Taliyaha Xabsiga ah ee ah in Jeelkan laga dhigo jeelkii haweenka lagu xidhayay , waxaan leeyahay horta intan kujirta ilaahay haka soo samato bixiyo ,waxaan ILAAHAY ka baryayaa in aanay jiri doonin gabadh dambe oo reer Somaliland ah oo la xidhaa, Iinsha Allaah dambina gali-mayaan”ayay tidhi, iyadda oo intaasi raacisay inay si deg-deg ah war-bixinta haweenkan u gaadhsiin doonto Madaxwaynaha iyo xukumadiisaba.
No comments:
Post a Comment