Pages home

Saturday 21 April 2012

Ururada Siyaasada Ee Ku Hadhay Qiimayntii Guddida Diiwaangalinta Oo Ku Baaqay Mudaharaad Salmi Ah Oo Muddo Socda Iyo Xukuumadda Oo Aan Ilaa Hadda Ka Hadal.

Ururada Siyaasada Ee Ku Hadhay Qiimayntii Guddida Diiwaangalinta Oo Ku Baaqay Mudaharaad Salmi Ah Oo Muddo Socda Iyo Xukuumadda Oo Aan Ilaa Hadda Ka Hadal.
Hargeysa (rajonews) Apr 21,2012 – Inta Badan ururada siyaasada ee ku hadhay qiimayntii guddida diiwaangalinta ayaa maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa si guud u qaadacay go’aankii guddida diiwaangalinta, taageerayaashoodana ugu baaqay inay u diyaar-garoobaan Mudaharaad muddo saddex maalmood ah soconaya.
Guddoomiyayaasha ururada siyaasada ee ku hadhay qiimayntii guddida diiwaangalinta ayaa si isku mid ah
u cambaareeyay go’aankaasi oo ay ku sheegeen mid guddida soo saartay aanay u madax-banaanayn ee gacmo siyaasadeed soo galeen, iyagga oo si gaar ah farta ugu fiiqay Madaxwayne Axmed Siilaanyo.

Ururada Mudaharaadka ku dhawaaqay oo ay ka maqan yihiin BADBAADO iyo HORYAAL ayaan sheegin wakhtiga Mudaharaadkaasi bilaabmayo, balse waxa ay tilmaameen inay ka xun yihiin go’aankaasi oo ay ku macneeyeen mid la gacmo-gacmeeyay.
Guddoomiyayaasha Ururada, GURMAD, UDHIS, JAMHUURIGA, NDP iyo kuwo kale ayaa taageerayaashooda ugu baaqay inay u diyaar-garoobaan Mudaharaad salmi ah, kaasi oo ku muujin doonaan sida ay uga soo horjeedaan go’aankii guddida diiwaangalinta, iyagga oo sidoo kale tilmaamay inay xaq u leeyihiin inay sameeyaan Mudaharaad Salmi ah.
Ururadan dhacay ayaa sidoo kale tilmaamay in ururada siyaasada ee soo baxay qaarkood ay ogaayeen inay dhaceen, balse dano siyaasadeed oo laga leeyahay daraadeed loo soo saaray.
Xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo ilaa hadda kama hadal go’aanka ay gaadheen ururada dhacay.

No comments: