Pages home

Wednesday 28 November 2012

gabay burco loo sameeyay waxaana samaysay waleesheena gabaya

Burcadii Bilneeydeey
Boholyowga caashaqa
Baradeeda ahaydeey
Bilaneey ma nabad baa ? 
Tii geesi bilanoo

Barta aan ka kicinoo
Balaayadana difaacana
Burcadii lahaydeey
Bilaneey ma nabad baa?
Boholaha xargagan iyo
Buuro tii aan lahayneey
Bari siman ahaydeey
Dhirtu ay ku badan tahay
Bilaneey ma nabad baa?
Toga oo soo burqadayoo
Ceel baaxad weyn loo
Laga waayin biyo abid
Burcadii lahaydeey
Bilaneey ma nabad baa?

No comments: