Pages home

Thursday, 19 April 2012

HAY�ADDA FAO OO ADUUN DHAN $ 200,000 KU BIXISAY HORUMARINTA SAYLADA XOOLAHA HARGEYSA


Hargeysa (RajoNews)- Hay�adda FAO, ayaa lacag ka badan $200,000 oo Dollarka Maraykanka ah ku bixisay mashruuc lagu horumarinayo saylada xoolaha ee Magaalada Hargeys
a, kaas oo wejigiisii hore la soo gabagabeeyay.
Hargeysa (RajoNews)- Hay�adda FAO, ayaa lacag ka badan $200,000 oo Dollarka Maraykanka ah ku bixisay mashruuc lagu horumarinayo saylada xoolaha ee Magaalada Hargeysa, kaas oo wejigiisii hore la soo gabagabeeyay.

Munaasibada shalay lagu qabtay saylada xoolaha oo lagaga dhawaaqayay hirgelinta wejiga hore ee mashruuca horumarinta, oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka socotay xukuumada Somaliland, maayarka Magaalada Hargeysa iyo wefti ka socda hay�adda FAO , ayaa lagu shaaciyay in lagu guulaysatay barnaaijkan oo ahaa mid tijaabo ah.

Maayarka Magaalada Eng Xuseen Maxamed Jiciir, ayaa sheegay in lacagta lagu bixiyay horumarinta adeegyada sayladu ay qayb ka tahay lacag shan Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah oo ay dawlada Britain Somaliland ugu deeqday sannadkii hore.

�Inta aad hadda aragtaan waa intii hore, lacagta ku baxday waa ilaa laba boqol oo kun oo Dollar, xoolaha ayaa lagu daryeelayaa, lacagtaas oo qayb ka ah shan Milyan oo Dollar waxa ay ku bixisay Magaalooyin kale, laakiin halkan saylada waxa loogu talagalay lacagtaas aan sheegay, wax weyn ayay ka taraysaa xoolaha dhoofintooda waxa ay helayaan meelo ay hadhsadaan iyo biyo ay cabaan oo loo diyaariyay� ayuu yidh maayarku.

Madaxa weftiga Luca Alinovi, ayaa sheegay in ay hay�ada gacan ka gaysanayso horurmarinta qaybo badan oo ah adeegyada dhaqaalaha Somaliland , sida daryeelka, ilaalinta deegaanka iyo kalluumaysiga.

�Waxa aanu maalgelinaynaa deegaanka ilaalintiisa, xoolaha daryeelkooda , kalluumaysiga iyo ammaanka cuntada, iyada oo la isticmaalayo deeq ka timid dawlada Ingiriiska , shalay waxa aanu fulinay olole aanu ku tallaalayno xoolo tiradoodu ka badan yihiin illaa 4 Milyan oo neef oo ku nool Somaliland, anaga oo ka hortagayna cuduro xoolaha ku dhaca, haddii xooluhu dhimasho bilaabaan xaaladu waa ay ka sii dari doontaa, waxa aanu Somaliland ka taageeraynaa daryeelka caafimaadka xoolaha� ayuu yidhi Mr Luca Alinovi.

No comments: