Pages home

Thursday, 19 April 2012

ARDAY WAX KA BARATA DUGSIGA BIYO DHACAY OO MUDAHAARAAD XOOGAN LA HORTGAY WASAARADA WAXBARASHADA +WASAARADDA WAXBARASHADA OO KU FASHILANATAY IN AY WAX KA QABATO CABASHADA ARDAYDAASI




Hargeysa(RajoNews)-Ardeyda wax ka barata dugsiga hoose dhexe ee biyo dhacay oo maanta mudaharaad la hortagay xarunta wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare.
Hargeysa(RajoNews)-Ardeyda wax ka barata dugsiga hoose dhexe ee biyo dhacay oo maanta mudaharaad la hortagay xarunta wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare.

Mudaharaadkan ayaa laga dareemayay guud ahaan xarunta wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare oo kutaal
gobolka.

Ardeyda mudaharaadkan waday ayaa waxay ka cabanayeen tacadiyo ay sheegeen iney maamulka dugsigaasi kula kaceen, Waxa kale oo ay sheegeen in Dugsiga Waxbarashu bilaabanto sagaalka Subaxnimo iyaga oo xusay in aanay Qaadan Xiisado ku Filan.

Sida aynu ka warqabno wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare waxay joojisay dhamaanba lacagihii laga qaadi jirey ardeyda oo ay bilaash ka dhigeen, Ardaydan ayaa sheegay iney jirto lacago laga qaado ardeyda kuwaasi oo aanay wasaaradda waxbarashaddu ogeyn.

ardeydu waxay sidoo kale Cabasho Ka muujiyeen Maamulka dugsiga oo ay sheegeen iney kula kacaan aflagaadooyin tiro beel ah sida:Cayda,Dhaleecayn shakhsiyaad,Cago juglayn Iyo qaarkale.

Qaar ka mid ah Ardayda oo Xoriyonews wax ka waydiisay Cabashadooda ayaa Sheegay in aanay Wasiirka Waxbarashadu soo gaadhin dugsigan isaga oo sheegay in kormeer dhalinyaro ah soo marro mararka qaar balse aanu Cabashada Ardayda u Gudbin
Sidoo kale ardeydu waxay sheegeen inaanay jirin wax buugaag ah oo la siiyo ardeyda maadaama ay yihiin ardey dhamaynaysa dugsigii dhexe looguna talo galay iney helaan buugaag ay duruusta ama casharadda loo dhigo ka akhristaan

No comments: