Pages home

Sunday, 15 April 2012

Salaadiinta Beelaha Galbeedka Burco Oo Bilaabay Kulano Ay Kalsoonidii Kala Noqonayaan Xukuumadda Siilaanyo


Burco (Halbeegnews)– Waxaa caawa durtaba ka bilaabmay magaalada Burco iyo deegaanada Oodweyne kulano ay madax dhaqameedyada iyo cuqaasha beesha Habar Yoonis kaga arrinsanayso sidii ay kalsoonida ugala noqon lahayd Xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo xisbigeeda KULMIYE.
Suldaanka guud ee beesha Habaryoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo ay wehelinayaan salaadiinta uldaan C/raxmaan C/laahi Aw Good, Suldaan Cabdiraxmaan Cawaale Hurre (Dude) , cuqaal, waxgarad iyo aqoonyahano ka soo jeeda deegaanka Galbeedka Burco ayaa ku tilmaamay falkii lagula kacay maanta Cabdiraxmaan Cabdiqaadir mid waxshinimo ah oo ka baxsan sharafta qaranimada Somaliland iyo cirdiga qof siyaasi ah loola dhaqmo.
Suldaan Cabdiraxmaan Cawaale Hurre (Dude)  oo khadka telefoonka kula hadlaayey shabakadda Halbeegnews ayaa sheegay inay beeshu sida ugu dhakhsaha badanleh u yeelan doonto kulan ayuu yidhi ay kalsoonidii kala noqonayso Xukuumadda Siilaanyo iyo xisbigeedii KULMIYE “Waxaa halka ka dhacay waa waxaan loo dul qaadan karin, isla markaana ahayd farriin beesha loo diray, waxaanu qaadan doonta tallaabo jawaab ah, odayaashii iyo madax dhaqameedkiina beeshana waa la wergeliyey, haddii sharcigu shaqayn waayo sharcigii beesha ayaa shaqayn doona waxaanan u sheegaya shacabka Somaliland in qaranimada iyo jiritaanka iyo madax bannaanida Somaliland ay muqadas tahay hayeeshe xukuumadda diktatooriyadda ah iyo xisbigeeda aanu beel ahaan anagu kalsoonidii kala noqonayno” ayuu yidhi Suldaanku.
Waxaa laga dareemaya magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Oodweyne dhaq-dhaqaaqyo aad u baaxad weyn kuwaasi oo Beesha Habaryoonis ay arrintii ku dhacday Cabdiraxmaan Cabdiqaadir kaga arrinsanayso.
waxaanu ka soo xinaganaya warkan shabakada caalamiga ah ee halbeegnews

No comments: