Pages home

Sunday, 15 April 2012

Hal Qof Ayaa Dhintay 12 Kalana Way Dhaawacmeen Ka Dib Markii Ciidamada Booliiska iyo Kuwa Madaxtooyadu Ay Xasuuqeen Shacab Ku Sugna Suuqa Inji Ee Caasimadda Hargeysa Gallabta


Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay inta la ogyahay laba iyo toban qof oo kalana way ku dhaawacmeen kuwaasi oo ilaa caawa la keenaayey cisbitaalka Hargeysa iyo cisbitaallada kale ee Caasimadda Hargeysa ka dib markii ciidamadda Booliiska oo kaashanaya kuwa dharka cagaarka ah leh ee Madaxtooyadu ay weerar ku qaadeen danyar ku ganacsata goob u dhaw suuqa weyn ee Inji ee xaafadda Dumbuluq ee caasimadda Hargeysa
shacabka ku nool xaafadda Inji ayaa gadooday ka dib markii ciidamadda Booliisku ay maalintii shallay burburiyeen guri weyn oo shan qol ka kooban oo ku dhawa xaafadda Inji kaasi oo agab iyo hantidii dhex taallayna ay cagta mariyeen, taasi oo keentay in dadweynaha xaafadda ku nooli ay tacadigaasi ka gadoodaan.
Rabshadaha ayaa hadda socda, waxaana shacabka ku dhaqan xaafadda dumbuluq ay adeegsanayaan dhagaxaan iyagoo ciidamadda Booliiska ahna gebi ahaanba xaafadda dibadda uga soo saaray, ciidamadda Booliiska ayaa adeegsaday Rasaasta ka dhacda hubka culus iyagoo halkaasina ku dilay ilaahay ha u naxariste qof halka dhaawacuna gaadhayo 12 qof oo la kala geeyey cisbitaaladda caasimadda Hargeysa.
Ciidamadda Booliiska ayaa sannadkii iyo badhii ugu danbeeyey waxay tacadiyo aan joogsi lahayn ku hayeen dadka rayidka ah ee ku nool caasimadda Hargeysa, waxaana taasi ugu biirtay ka dib markii Taliska ciidanka Booliiska loo magacaabay ma-naxe aan naxariista Aqoon oo lagu magacaabo Fadal.

No comments: