Pages home

Sunday, 15 April 2012

Cali Guray Oo Axmed Siilaanyo Ku Tilmaamay Fullay Abaal-Laawe Ah Oo Aan Weligii SNM Dagaal La Gelin, Dagaalkii Buurahana Firxad Ku Baxsaday

Hargeysa(RajoNews):Anigu waxaan ahay mujaahid ahlu Bedar ah, waxaan ka qayb-galay dagaalkii Buuraha Galbeedka oo ay ku dhinteen 74 dhalinyaro ah oo 34 ka mid ahi yihiin dhalinyaro jaamiciyiin ah, anigu ma ihi fuleygan London u baxsaday ee maydka ah (Siilaanyo)” Mujaahid Cali Guray.


Afhayeenka xisbiga UDUB Mujaahid Cali Yuusuf Cali Guray ayaa si ba’an ugu weeraray Axmed Siilaanyo Madaxweynaha Xukuumadda DULMIYE sidii foosha xumayd ee maanta looga qaaday xilkii ku xigeenka 1-aad ee xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, wuxuuna Cali Guray ku tilmaamay Axmed Siilaanyo inuu yahay fullay Aan weligii Dagaal SNM la gelin isagoo Cali Guray sheegay in maalintii SNM dagaalkii Buuraha gashay uu Axmed Siilaanyo orod iyo firxad is qaaday isagoo naftiisa la cabsi qaba.
Mujaahid Cali Guray oo ka waramaya dhacdadii maanta ku habsatay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir wuxuu yidhi “Inta Xukuumaddani talada dalka qabatay dhacdooyinka dhacayaa waxay inoo sheegayaan wax badan, waxaana xabaal lagu riday midii Kulmiye ku faanay jiray ee ahayd inuu yahay xisbi dimuqraadi ah, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye, markii Axmed Guddoomiyihii Kulmiye baneeyay ee Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ka koowaad noqday waxa loo diiday inuu Guddoomiye ku xigeenka labaad noqdo oo uu durko, waxay
ahayd in loo ogolaado inuu tartamo oo cod lagaga qaado kaalintaa oo uu ka saddexaad ku dhaco, midna laba yeelin ee meesha shirqool-baa ka dhacay, Siilaanyo-na anigu Madaxwayne odhan maayee waxa uu shalay shirka dib uga dhacay oo uu yidhi ilaa shirka Cabdiraxmaan Cabdiqaadir laga saarayo iman mayo shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo aniga iyo Cabdiraxmaan wada joogi mayno.”
Mujaahid Cali Guray isagoo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka hadlaya wuxuu yidhi “Cabdiraxmaan waa Naafo, Axmed Siilaanyo oo Berbera ka soo degaya ayuu isaga, Maxamed Xaashi iyo Marxuum Cali Maarshaal gaadhi la qalibmay, saddexdaa nin waxa nasiib badnaa Cali Maarshaal oo aan arag Axmed Siilaanyo oo Madaxwayne ah.”
Mujaahid Cali Guray oo ka hadlaya hadalkii Axmed Siilaanyo uu shallay ka jeediyey madasha shirka KULMIYE wuxuu yidhi “Axmed Siilaanyo isaga oo xadhiga Xamarji ku tiiq-tiiqsanaya ayuu yidhi masuuliyiin ayaanu u xidh-xidhnay musuqmaasuq, ragii musuqmaasuqa sameeyayna suuqa ayay joogaan oo Madaxtooyadda ayay gashay, cadaalad daradu jirtay wakhtigii Daahir Rayaale maanta way laban-laabantay.”
Mujaahid Cali Guray oo ka qoomamaynaya intuu taageeray Axmed Siilaanyo wuxuu yidhi ” “Maanta waxaan qirayaa taageero kasta oo aan Axmed Siilaanyo taageeray aan khaldanaa, waxaan cafis waydiisanayaa raggii Mujaahidiinta ahaa ee aanu saaxibada halganka ahayn ee og intaan Axmed Siilaanyo taray oo Muuse Biixi kow ka yahay ee Dhago-weyne ku jiro, Cabdiraxmaan Aw Cali ku jiro ee Axmed Mire-aha Somaliland ciilka uga haajiray uu ku jiro, waxaanan qirayaa in Axmed Siilaanyo aanu noqonin kii anigu aan moodayey ee uu yahay kii ay doonayeen inay umadda ka qabtaan, maanta waxa iga go’an inaanu hormuud ka noqdo dadka Axmed Siilaanyo Somaliland ka qabanaya, Axmed Siilaanyo maaha nin abaal galla ee waa nin abaal la taro, abaalka la galena nin guda maaha, Boqor-buur-madow waxa uu Axmed Siilaanyo la taliyey markuu London joogay, imikana waxa xidhay Usaama iyo Xirsi lamina soodeyn ah” ayuu yidhi Mujaahid Guray
Cali Guray wuxuu sheegay in dagaalkii Buuraha ka dhacay ee 74-ka Inan kaga dhinteen SNM uu isagu ka qayb gallay, Axmed Siilaanyana uu firxadkii London ku tagay isagoo taasi ka hadlaya wuxuu yidhi “Anigu waxaan ahay mujaahid ahlu Bedar ah, waxaan ka qayb-galay dagaalkii Buuraha Galbeedka oo ay ku dhinteen 74 dhalinyaro ah oo 34 ka mid ahi yihiin dhalinyaro jaamiciyiin ah, anigu ma ihi fuleygan London u baxsaday ee maydka ah (Siilaanyo)”ayuu yidhi.




No comments: