Pages home

Sunday, 15 April 2012

Jilaaga Caanka Reer Hindiya Shehru Khan Oo Sheegay In Lagu Xidhay Xallay Madaarka White Plane Ee Newyork Loona Xidhay Sababo La Xidhiidha Jinsigiisa Ama Diintiisa

Newyork(Rajonews):Jilaaga caanka ah  Bollywood ee  reer Hindiya Shehruh Khan ayaa xaqiijiyey in ciidamadda Booliiska ee Madaarka White Plains ee magaalada Newyork ay muddo laba saacadood ah ku xidheen gudaha madaarka.
arrintani ayaa dhacday ka dib markii uu soo gaadhay madaarka white plain airport magaalada Newyork ee dalka  maraykanka halkaasi oo uu martiqaad ka hellay ardayda jaamacadda Yale oo ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn dunida waxaana uu diyaarad khaas ah oo ay ku wehelinaysay Nita Ambani oo ah gabadh u dhaxday ninka Hindiya ugu maal-qabaysan ay soo gaadheen madaarka halkaasi oo lagu xidhay.
Shehru Khan ayaa ku bilaabay hadalka uu ka jeedinaayey Jaamacadda “haa saaka ayaa la igu xidhay madaarka laba saacadood iyo badh, markasta oo aan soo gaadho waxay i weydiiyaan dhererkaaga cabirkiisu waa imisa waxaanan u sheega been, waxaa ii hadhay in la i weydiiyo midabkaaguna waa maxay, waxaanan ku odhan doona marka danbe waxaan ahay Caddaan”
Safiirka dalka maraykanka u fadhiya dalka Hindiya ayaa sheegay inuu ka raali gelinayo Mr. Khan haddiiba uu u qaatay in lagu xidhay arrimo la xidhiidha dhinaca jinsiga iyo diinta “marnaba suurtagal maaha in gudaha maraykan qof loo aaneeyo jinsigiisa iyo diintiisa, waxaananu ka raali gelinayna wixii dhacay, Mr. Khan filimada uu matala waxay badanka ku bilaabmaan dhibaato iyo qalalaase waxaanay ku dhamadaan isagoo guulyastay, dhacdada yar ee koobana waxay ku dhamaatay sidaasi oo kale” ayuu yidhi Safiirku.
Afhayeen u hadlay Waaxda Kastambyada iyo socdaalka dalka maraykanka CBP ayaa sheegay inaanay wax faallo ah ka bixinaynin arrintani sababo la xidhiidha dhinaca sharciyadda awgeed balse waxay sheegeen inay xaq u leeyahiin inay baadhaan qof walba isla markaana aanu qofna ka sarayn sharciga ayey ku yidhaahdeen warbixinta.
Hore ayaa waxaa sidani oo kale ay ugu dhacday Madaxweynahii hore ee dalka Hindiya Cabdikalaam oo lagu joojiyey madaarka Newyork mar uu doonaayey inuu gudaha dalka maraykanka tago, siyaasiyiin Hindiyaan ah ayaa soo jeedinaya in markani ay gaadhay markii Hindiya ka aargudan lahayd maraykan
Hoos ka daawo Hadalkii Uu Shehru Khan xallay ka jeediyey Jaamacadda Yale oo ka hadlaya dhacdada ku dhacday

Rajonews, Newyork
Rajonews@gmail.com


No comments: