Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta xarunta wasaarada ku hadlay shabakeda wararka Ramaasnews iyo Telefiishanada Royal tv iyo Universal, ayaa ku eedeeyay madaxda xukuumadda Soomaaliya in ay xubno dheeraad ah oo aan qayb
ka ahayn wada hadaladii labada dhinac in ay ku dareen dhinacood, iyada oo ay taasi meesha ka saarayso wadahadaladii dhexmari lahaa Somaliland.
“ Waxa ay masuuliyiinta dawlada KMG ah ay ku dareen guddidooda xubno kale oo dheeraad ah oo runtii baalmarsan sidii ku talagalku ahaa iyo arrimihii aas-aaska u ahaa in labada geesood ee Soomaaliya iyo Somaliland ay wada hadlaan, arrimo baalmarsan ayaa ka muuqday in Madaxweynaha KMG ah soo saaray. Waxa aanu u aragnaa arrimo carqaladayna in wada hadal wanaagsani uu dhex maro sidii ay beesha caalamku ku baaqday labada geesoodna ay ogolaadeen in uu dhexmaro Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa aan ugu baaqaynaa in arrintaas laga noqdo oo ay ku koobnaato Soomaaliya iyo Somaliland oo u wada hadlaya qaabkii markii hore lagu heshiiyay, waxaana aan anagu halkan ka cadaynaa in aanan ka qaybgalayn wada hadalada hore loo shaaciyay , haddii aanu Madaxweynaha dawlada KMG ahi wax ka badelin go’aamada ay ku sii fidinayo guddida” ayuu wasiirka arrimaha dibeda Soomaaliya.
Laakiin waxa uu sheegay Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar in Somaliland ay ixtiraamayso maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, hase ahaate ay ka soo horjeeda in ay qayb ka noqdaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.
“ Ixtiraan ayaanu u haynaa maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya , hadday tahay Puntland, Gal-Mudug iyo hadday yihiin kuwa kale.laakiin heshiishkan iyo wada hadalani waxa ay ahaayeen, kuwo qeexan cida ka qaybgalaysaa, waxa weeye dawlada Somaliland iyo dawlada KMG ah ee ka jirta Soomaaliya ama ta ka dambaysa ee la filayo in dhalato bisha August ee sannadkan”
Somaliland waxa ay ka biyo diiday laba wasiir oo ka tirsan maamulka Puntland oo ka mid noqonaya xubno guddida Soomaaliya ee wada hadalada,kuwaasoo midkood ka soo jeedo Bariga Somaliland,iyada oo ay haddii ay xukuumaddu ugu ogolaato in xagga Soomaaliya uu ka soo jeesto Genearal Cabdilaahi Ilka-jiir ay taaso caqabad ku noqon doono dadaalka ay Somaliland ku doonayso in ay dib gacanteeda ugu soo celiso dhulka ka maqan.
No comments:
Post a Comment