Pages home

Friday 20 April 2012

Ciidamada C.I.D-da Magaalada Laascaanood Oo Xabsiga Dhigay Weriye Ka Tirsan Idaacadda B.B.C-da.

Ciidamada C.I.D-da Magaalada Laascaanood Oo Xabsiga Dhigay Weriye Ka Tirsan Idaacadda B.B.C-da.
 Laascaanood (Rajonews) Apr, 20, 2012- Ciidamada dambi baadhista C.I.D-da ee Magaalada madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa maanta xasbiga u taxaabay weriye Axmed Ciise Guutaale oo ka tirsan laanta Af-Soomaaliga Ah ee Idaacadda B.B.C-da oo fadhigiisu yaha Magaalada Garoowe.
 Suxufiga ayaa  saaka lixdii Subuxnimo ay ciidamada dambi baadhistu ay xidheen, isaga oo ku soo
jeeday Magaalada Hargeysa, kana yimid Magaalada Garoowe, iyada oo xabsiga C.I.D-da  lagu hayay illaa 1-dii duhurnimo, waxaana  la sii daayay iyada oo aan la sheegin sababta loo xidhay.
 Weriye Axmed Ciise Guutaale oo shabakeda wararka ee Rajonews la xidhiidhay  markii la sii daayay, ayaa sheegay in ciidamadu  ay hayaan saacado badan,  isla markaana ay su’aalo ka waydiinyeen sababta ugu socdaalayo Magaalada Hargeysa .
“ Way  i xidheen ciidanka   Somaliland, xasbi ayaa la I geeyay su’aalo badan ay  waydiiyeen, ana waxa aan u sheegay in aan ahay weriye ka tirsan B.B.C-da, markii waxa ay yidhaahdeen illaa inta lagu xaqiijinayo kuma sii daynayno, balse markii dambe  waa ay i aqoonsadeen” ayuu weriye Guutaale.
Laakiin suxufigan,  ayaan sheegin  in wax tacadiya loo gaystay  si la mida weriayayaasha  kale oo marka xabsiyada  la geeyo intooda badan loo gaysto jidh-dil iyo dhibaatooyin kale.

 Maalintii shalay waxa ay ciidamada ammaanka Magaalada Laacaanood waxa ay sabab aan la garanayn u xidheen wakiilka Telefiishanka Somalisat ee Soomaliya iyo Somaliland,iyada oo markii dambe damaanad lagu sii daayay.

wariye;Ahmed shankaroone

No comments: