Pages home

Friday 20 April 2012

Sheekh Aaden Siiro Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Dulqaad Iyo Sir La’aan, Ayaan Darona Ku Tilmaamay Falkii Lagula Kacay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.


Sheekh Aaden Siiro Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Dulqaad Iyo Sir La’aan, Ayaan Darona Ku Tilmaamay Falkii Lagula Kacay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

Hargeysa (Rajonews) Apr 20,2012 – Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) ayaa xukuumadda talada dalka haysa ku dhaliilay dul-qaad la’aan iyo sirteeda oo dadku u siman yahay.Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud, waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay falkii dhaawacu ka soo gaadhay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ee ka dhex dhacay shirkii golaha dhexe ee Kulmiye, waxaanu tilmaamay
in loo baahan yahay dulqaad “In qofku dareenkiisa cabiraa maaha wax lagu qoonsado, haddii la isku dulqaadan waayana  noqon mayno Dawlad wax qabsata oo Horumar gaadha”ayuu yidhi Sheekha oo maanta ka hadlayey Masjidka uu tukiyo, waxaanu intaa ku daray “C/raxmaan oo ahaa ragii naf iyo maalba u  huray Xisbiga Kulmiye  ayaa maanta iyadoo la leeyahay ha hadlin waxna ha sheegin laga saaray Xisbigii golihihiisa  Dhexe, miyaanay ayaan-daro ahayn nin kula soo halgamay oo aad maanta tidhaahdo waxbuu Xukuumada ka sheegay ee Xisbigii iyo Gudoomiyenimadiiba waanu kaa qaadnay”.
Sheekh Aaden Siiro waxa uu sheegay in xukuumaddani tii hore kaga duwan tahay sir la’aan “Xukuumadii ka horeysay wax walba way u adkaysan jirtay wixii dhacana dhayal looma maqli jirin, laakiin xukuumadan maanta haddii imika wax dhacaan isla-markaaba waxaa maqlaya bulshada oo dhan”ayuu yidhi.


wariye:guleed siciid garaw

No comments: