Pages home

Monday 23 April 2012

Dacwad Ka Dhan Ah Madaxweynahii Hore Ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin Oo Garab Ka Mid Ah Xisbiga UDUB U Gudbiyey Maxkamadda Sare Ee Qarranka


Hargeysa (Rajonews)– Warar xogogaal ah oo ka soo baxaya Dacwad shallay loo gudbiyey Maxkamadda sare ee Somaliland oo ku saabsan Guddoomiye-nimada xisbiga UDUB oo ka dhan ah Madaxweynahii hore ee Somaliland ayaa la sheegay in garabka ka soo horjeeda Daahir Rayaale Kaahin ay door-bideen in khilaafkii xisbiga Maxkamadda sare ee dalka lagula noqdo.
Qodobka ay kooxda ka soo horjeeda Rayaale u cuskadeen Dacwadooda ayaa la sheegay inuu yahay Qodobka 11.7 ee Xeerka Xisbigaasi, ee lagu Ansixiyay Shirweynihii Xisbigaasi ee 7/7/2009 lagu qabtay Huteelka Maan-soor, kaasoo dhigaya:-
Guddoomiyaha UDUB ee Musharaxnimada ugu danbaysa ku guulaysan waaya Tartanka Madaxweynenimada dalka, wuxuu banaynayaa jagada Guddoomiyaha Xisbiga UDUB, si Xisbigu u doorto Guddoomiye cusub oo uga qayb gala Tartanka Doorashada Danbe ee Madaxweynaha.
Ilo wareedyada
aanu warkan ka helnay iyo xubno Xisbiga ka tirsan oo aanu la xidhiidhnayba waxa ay sheegeen in Dacwadaasi loo gudbiyay Maxkamadda Sare, balse ma cada goorta loo gudbiyay iyo xubnaha u gudbiyay toona. Hase yeeshee sida ka muuqata qoddobka ay u cuskadeen Garabka Dacwada qoray waxa ay ka turjumaysaa khilaafka wakhtigan ka dhex taagan oo ah cida Xisbiga u tartami doonta taasoo Shirkii Golaha Dhexe ee Crown Hotel lagu qabtay lagu doortay Jamaala Cali Xuseen inkasta oo Rayaale Doorashadaasi daadifeeyay dhawaan.
Dhinaca kalena, Siciid Sulu boo ka mid ah Aasaasayaashii Xisbiga UDUB Sida uu Waaheen u sheegay mar aanu isku daynay inaanu Dacwadan wax ka weydiino jiritaankeeda ayaa yidhi “Arrintaasi waa arrin iska kutidhi kuteen ah, mana qabo inay Dacwadaasi jirto. Maxkamadda Sarena Awood uma laha arrintaas sida ay noosheegeen mar aanu u tagnayna waxa Awood u leh Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Ururada markaa ma jirto Dacwad Guddidaas loo gudbiyayna” ayuu yidhi
Siciid Sulub waxa uu intaa ku daray “ Qodobka 11.7 waxa uu dhigayaa guddoomiyaha Xisbigu UDUB ee tartanka Musharaxnimada ugu horeysa ku Guulaysan waayaa wuu banaynayaa Jagada Guddoomiyanimo, markaa Daahir Rayaale wuu ku guulaystay Tartankii ugu horeeyay qodobkaasina waxa si toos ah looga soo xigtay xeerkii hore. Markaa inkasta oo Dastuurka Qaranku dhigayo in uu Musharaxa ku guulaysta talada Dalku mar kale isa soo sharaxayo oo ah markii danbe ee uu guul-daraystay Rayaale hadana qodobka ay sheegayaan ma dhigayo in imika uu Baneeyo”ayuu yidhi
Mar aanu weydiinay maadaama labadiisii Wakhti dhamaadeen miyaanay ahayn inuu baneeyo waxa uu yidhi “anigu isaga iyo Axmede Yuusuf Yaasiin ba waxaan u sheegay in ay baneeyaan oo Xisbigu ku tartamo, markaa taas baa Xisbigu ku khsaban yahay oo waa loo tartami doonaa” ayuu kaga baxay
Si kasta ha ahaatee haddii ay Dacwadani jirto waxay noqonaysaa  mid sii murugisa oo keenta inay sii khilaafka xisbigaasi kala fogaadeen labada Garab ee Xisbigaasi u kala fadhiyo, kuwaasoo ilaa hada Tahli kari la’ inay Heshiiyaan.
Rajonews.com

No comments: