Pages home

Monday 23 April 2012

Dawladdaha Ingiriiska,Turkiga Iyo Nidaamka TFG-da Oo Usoo Bandhigay Siilaanyo Maamul Goboleed La Mid Ah Sida Jasiiradaha Zanzibar


Hargeysa (Rajonews)– Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Ahmet Davuto?lu ayaa shallay isagoo u waramaayey telefishanka NTV ee dalka Turkiga wuxuu ka waramay halka uu marayo qaban-qaabadda shirka Soomaalida ee lagu qabanayo bisha June sannadkani kana dhici doona magaalada Istanbul.
Mr. Davuto?lu Wasiirka khaarajiga ee dalka Turkigu wuxuu sheegay inay shirkani ku soo martiqaadayaan dhammaanba ayuu yidhi qaybaha siyaasadda ee soomaalidu ka koobantahay, wuxuu sheegay inay dawladiisu ku jirto wada-hadalo ay iskaga dab-qaadayso kooxda xagjirka ah ee Alshabaab iyo Dawladda TFG-da, wuxuuna wasiirku sheegay inuu rajo ka qabo in labadaasi dhinac ay wax isla meel dhigaan ka hor intaan la gaadhin bisha August oo la soo dhisi doono ayuu yidhi Dawlad wadaag ah.
Mr. Davuto?lu Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkigu wuxuu sheegay in shirkani ay ku martiqaadeen waa sida uu hadalka u dhigaye
Dawladda TFG-da iyo maamul goboleedyada ayuu yidhi Puntland, Somaliland, Galmudug iyo Suna Wal-jameeca, wuxuu Wasiirku sheegay in shirkani lagu gun-dhigi doono qaabka Dawlad sal balaadhan oo Soomaaliya yeelata u ekaan doonto, wuxuu sheegay in shirka Istanbul uu xoojin doono kii London ka dhacay bishii February isla markaana la daraasadayn doono ayuu yidhi qodobadii lagu gaadhay shirkaasi wixii ka fullay.
Mr. Davuto?lu oo la weydiiyey natiijaddii shirkii ka soo baxay London wuxuu taabtay inay tahay fursad Soomaalida ay ku qasbantahay inay dalkooda dhistaan isla markaana iyagu aayaha iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalkooda yeeshaan.
Mr. Davuto?lu oo la weydiiyey Somaliland oo hore ugu dhawaaqday inay ka madax banaanatay Soomaaliya inteeda kale wuxuu yidhi “Somaliland waa gobol xasiloon oo tusaale u ah Soomaaliya inteeda kale, waana sida ay beesha caalamku doonayso inay Soomaaliya qaadato tallaabada Somaliland qaadatay, arrinta madax banaanida Somaliland waa mid u taalla Soomaalida dhexdooda wixii ay ka yeelayaan, waxaana hadda socda wada hadalo arrinta ku saabsan oo ay wadaan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Dawladda ingiriisku” ayuu ku jawaabay Mr. Davuto?lu
Mar la weydiiyey inay Turkigu gacan ku yeelan doonaan in la aqoonsado Somaliland isla markaana ay dhinac uga baxdo Soomaaliya wuxuu ku jawaabay Mr. Davuto?lu “sidaan ilaa hadda ogahay arrintu ma taagna in Somaliland go’do waxaa la iskugu iman doona wada hadal, wada-hadalkaasina wuxuu salka ku haya sidii midnimadii soomaaliyeed sida ugu macquulsan loo ilaalin lahaa, waan fahmi kara inay midnimada laftigeeda ay  qayb ka ahayd burburka soomaalida ku yimid, balse waxaa jira tusaalooyin kale oo ah in Somaliland loo bandhigo Maamul madax bannaan oo la mid ah sida ka Jasiiradda Zanzibar oo kale, Zanzibar waxay leedahay nidaam siyaasadeed oo u gaar ah, dadka reer Zanzibar iyaga doorta madaxdooda, laakiin danta guud waxay kala midaysanyahiin Tanzania, wada hadalada hadda socda waa qaar u eg noocaasi” ayuu yidhi Mr. Davuto?lu
Dhinaca kalana Mudane Tony Baldry oo ka tirsan golaha Baarlamaanka Britain kana mid ah guddida wada jirka ah ee saaxiibadda Somaliland ayaa sheegay inuu jiro qorshe ay ka wada shaqaynayaan dawladaha Britain, Turkiga, Qaramada Midoobay iyo Dawladda TFG-da kaasi oo ah in Somaliland loo bandhigi maamul hoosaad (semi-autonomous) kaasi oo dammaanad qaadaya xorriyadda siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee Somaliland balse aan ahayn madax banaani rasmi ah.
Arrintani ayaa la rumaysanyahay inay ajandaha ugu horeeya kaga jirtay qodobo ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya Mahiga ay todobaadkani mar ay Hargeysa ku kulmeen isla soo qaadeen, lama garan karo dareenka ay dawladda Somaliland arrintaasi ka qabto.
Rajonews.com

No comments: