Pages home

Sunday 22 April 2012

Djibouti Ee Hal Milyan Oo Dollar Ugu Deeqday Biyo-Xidheenka ETHIOPIA , Noqotayna Dalkii Labaad Ee Ku Biira Somaliland Oo Hore Qaadhan Ugu Yaboohday .


Djibouti Ee Hal Milyan Oo Dollar Ugu Deeqday Biyo-Xidheenka ETHIOPIA , Noqotayna Dalkii Labaad Ee Ku Biira Somaliland Oo Hore Qaadhan Ugu Yaboohday .

Djibouti (Rajonews) Apr, 22, 2012- Dawladda  dalka Djibouti,  ayaa   ETHIOPIA  lacag dhan hal Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ugu deeqday, taasoo gacan kaga gaysanayso dhismaha Mashuuraca Biyo -Xidheenka ETHIOPIA  ee Abai, oo ay Balaayin Dollar ku baxayaan.

Guddoomiyaha maamulka Dakedaha ee  Djibouti  Abubakar Cumar Haddi, ayaa cheque ay ku qoran tahay  lacag dhan hal Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah ku wareejiyey safiirka  ETHIOPIA u fadhiya  dalkaas  Ambassador Suleyman Dedefo.

"Tani waxa ay ka tarjumeysaa wixii tabarteenna ah ee aanu ku biirineyno mashruucan ballaadhan," ayuu yidhi Abubakar oo ku hadlayey magaca dowladda  Djibouti

Mashruucan oo ay ku baxayso $4.8 bilyan oo dollarka Mareykanka ah, dhismahiisa waxaa iska kaashanaya dawladda  ETHIOPIA  iyo shacabkeeda.

 Djibouti , ayaa noqonaysa dalkii   labaad ee lacag intaa  leeg ku biiraya    mashruuca dhismaha Biyo Xidheenka Dib-u-curashada  ETHIOPIA,iyada oo bishii laga bilaabay qaadhaan lacageed oo Biyo-Xidheenka lagu taageerayo.

 ETHIOPIA  ayaa   Djibouti u dhoofisa koronto qiyaasti ah 35 megawatts, taasoo bil kasta ay ka soo xarooto lacag dhan $1.5 milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Dalalka gobolka,  ayaa rajeynaya in Biyo- Xidheenkan uu wax badan ku soo kordhin doono horumarka guud ahaan gobolka Geeska Afrika ETHIOPIA  ayay u qorsheysan tahay in ay korontada gaadhsiiso dhammaan dalalka gobolka.

No comments: