Pages home

Sunday 22 April 2012

Augustine Mahiga Oo Sheegay In Al-Shabaab Khatar Ku Tahay Somaliland Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Codsaday In La Qaado Cunaqabataynta Hubka Ee Soomaaliya Saaran.


Augustine Mahiga Oo Sheegay In Al-Shabaab Khatar Ku Tahay Somaliland Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Codsaday In La Qaado Cunaqabataynta Hubka Ee Soomaaliya Saaran.

 Hargeysa (Rajonews)  Apr, 22’ 2012- Wakiilka Qaramada Midoobay ee qaabilsan arrimaha Soomaaliya  Augustine Mahiga , ayaa sheegay in Al-shabaab ay khatar ku tahay ammaanka Somaliland iyo Puntland, kadib markii lagaga adkaaday dagaaladii  ay Koonfurta   iyo badhtamaha Soomaaliya kula galeen xoogaga dawlada iyo  ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Danjire Mahiga oo u waramayay Laanta  Af-soomaalig ah ee Idaacadda  VOA-da isaga oo ku suganaa  Hargeysa , ayaa sheegay in
xilligan ay xoogagga Al-shabaab marin ay ku baxsadaan ka raadsanayaan dhinaca waqooyi ee Soomaaliya, taasna ay halis ku tahay Somaliland iyo Waqooyiga Bari ee Soomaaliya.

"Al-shabaab markii laga adkaaday Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya ayay marin ay u baxsadaan waxa ay ka raadsanaya dhinaca waqooyi, taasna waxa ay khatar dhanka ammaanka ah ku keeni karto Somaliland iyo Puntland," ayuu yidhi Mahiga.

 Mr Mahiga  waxa uu  sheegay in Madaxweyanha Somaliland  Axmed Max'ed Maxamuud (Siilaanyo) uu golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay weydiisanayo in cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya looda si dhakhso ah si ay Somaliland isaga difaacdo weeraro kaga iman kara kooxda Al-Shabaab.

"Arrintan walaac xoog ayay leedahay, waana in golaha ammaanka   eego cunno-qabteynta hubka ah ee saaran Soomaaliya, si ay Somaliland iyo  u  awoodaan in ay ka hortagaan halis amni oo  kaga timaada  timaadda Al-shabaab," ayuu Mahiga ku sheegay wareysiga lala yeeshay.

No comments: