Pages home

Sunday 22 April 2012

Xildhibaan Ku Baaqay In Maamuus Ka Xayuubin Lagu Qaado Madaxweyne Siilaanyo Oo U Jeediyay Eedo Tiro Badan .


Xildhibaan Ku Baaqay In Maamuus Ka Xayuubin Lagu Qaado Madaxweyne Siilaanyo Oo U Jeediyay Eedo Tiro Badan .

Hargeysa (Rajonews) Apr, 22, 2012- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland,   ayaa ku baaqay in Madaxweyne Siilaanyo maamuuska laga xayuubiyo,maadaama oo  uu dalka jahaweer  siyaasadeed oo  ka dhan ah  shacriga  abuuray.

  Xildhibaan Qabile oo shir jaraa’id maanta ku qabtay hotel-ka Xaraf ee Magaalada Hargeysa,  waxa ku eedeeyay in Madaxweynuhu ku kacay  khiyaamo Qaran-isla markaakana ay  haboon tahay in shaqada laga caydhiyo, inkastoo uu muujiyay
in aanay  labada gole ee Wakiilada iyo Guurtida xilligan  awood u lahayn  arrintaas,laakiin ay tahay  qadiyad loo bandhigayo shacabka.

 Eedaha uu soo jeediyay, waxa ka mida  doorashooyinka golayaasha deegaanka oo muddo dhaafay,  siyaasada arrimaha  dibeda , muranka taagan ururadii ku hadhay qiimayntii guddida diwaangelinta iyo qodobo kale.

“ Xil gudasho la’aan ayuu Madaxweynaha  Jamhuuriyada Somaliland uu ku kacay, haddii golayaasha  ku qaadi waayaan ma qabo in ay ku qaadayaan, waxaan shacbiga u sheegayaa  in Madaxweynuhu ku jiro qodob xil gudasho la’aan ah, waana khimaayo Qaran oo waa maamuus ka xayuubin, waxa ay tahay in isagu gudan waayay xilkiisii, waxa ay taasi ku tusinaysaa sida looga baydhay xeerarkii iyo dastuurkii uu dalkani lahaa” ayuu yidhi xildhibaanku

 Mar uu ka hadlayay  siyaasada arrimaha dibeda waxa uu sheegay in shacabka Somaliland la socon nuxurka wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

“ Golayaasha maanta jooga shacabka reer Somaliland xog dhab ah halka Madaxweynaha Siilaanyo siyaasadiisa arrimaha dibeda iy wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland  dhexmaraya nuxurka ay ku fadhiyaan ma oga mujtamaca Somaliland, nin ka warami karaana ma jiro intaas oo  aan ahayn isaga (Madaxweyanaha) iyo  afartiisa wasiir oo qaarkood  aanay waxba ka  ogayn, sidaa markay tahay waxa aan qabaa in Siilaanyo laba ulood ku tukubayo, waa in uu ummada u cadeeyaa laba ta uu ku tagaan  yahay kow midi waxa weeyaan socdaalka Koonfur iyo Qariidad nabada Soomaaliya ee Raod Map-ka

No comments: