Pages home

Sunday 22 April 2012

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Digniin Culus U Diray Ururada Mucaaradka Ah Ee Qabanqaabinaya Mudaharaadyada.


Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Digniin Culus U Diray Ururada Mucaaradka Ah Ee Qabanqaabinaya Mudaharaadyada.

Hargeysa (Rajonews) Apr, 22, 2012- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa uga digay ururada mucaaradka  in ay qabanqaabiyaan mudaharaad aan la ogolayn,kuwaasoo  halis ku ah xasiloonida wadanka.

 Wasiirka  oo  shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in xukuumadda aanay u dul qaadan doonin in ururadii hadhay ay dhigaan  mudaharaadyo,iyada oo laga hortagi doono tallaabao kasta oo lagu abuurayo xasarado saamayn ku yeelan doono deganaanshaha   Magaalooyinka.

 Waxa uu hogaamiyaasha ururada hadhay, ku eedeeyay
  in ay wadaan ficilo baalmarsan sharciga iyo kal dambaynta,iyada oo sida uu sheegay xukuumadda  aanay faraha ka laaban doonin arrrintaas.

“ Qofka aan Qarankaba  ku kalsoonayn ee garsoorka ku kalsoonayn ee aan guddi ku kalsoonayn ee aan sharci ku kalsoonayn isagu ha qanco,intaa qofka aan ku kalsoonayn ee aan intaaba aaminsanayn.isagu tallaabada uu qaaday xorbuu yahay,waayo ninka maanta leh Somaliland dawladi ma jirto waxa la tusayaa oo kaliya in ay dawladu jirto oo kala dambayni jirto oo maamul jiro, ma banaana xoog ayaan urur ku samaynsanayaa oo shaciga ayaan baalmarayaa, ma  banaana buuq iyo qalalaase, ma banaana in nabada ummadani haysto  laga burburiyo, anagu intaasaanu ilaalinaynaa” ayuu  yidhi wasiir Duur.

 Waxa  kale oo uu sheegay in Somaliland in aanay dhawacyo siyaasadeed soo gaadhsiin doonin xiisadaha taagani.

“ Waxaanan cadaynaa  dhicimayso in ummada qas   la geliyo, waayo horaan u idhi Somaliland labaatankaa sannadood wixii dhismayay ayaa dhismay oo nabada qalbiga ummaday ku jirtaa awooda ummaday ku jirtaa maniga ciidamada dhawrana way leedahay nacam dhicimayso Somaliland qof sidii Quraarad yar oo jabaysa qof uu gacantiisa ku burburiyo”.

 Haddalka wasiirka ayaa ku soo beegmayaa xilli ururada hadhay, ay doonayaan in ay bilaabaan mudaharaadyo xoog leh oo wadanka o dhan ka bilaabmaya, inkastoo kuwii maant dhici lahaa  dhicisoobeen.

No comments: