Pages home

Sunday 22 April 2012

Tageerayaasha Urur Siyaadeed Gurmad Oo Maanta Mudahaarad ka Sameeyay Burco Iyo Suxufiyiin La Garaacay.


Tageerayaasha Urur Siyaadeed Gurmad Oo Maanta Mudahaarad ka Sameeyay Burco Iyo Suxufiyiin La Garaacay.

 Burco(Rajonews) Apr, 22,  2012-Waxaa maanta ka dhacay    Magaalada   banaanbax aad u ballaadhan oo  ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha urur siyaasadeedka Gurmad ,kaasoo    lagu cambaareynayeyd hawaaqii  ka soo yeedhay  Gudida Diwaan gelinta ee ay  ku xiqiijiyeen  ururada ku hadhay   tartankii madax -tirsiga .

Banaabaxayaasha ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen erayo lid ku  ah gudida diwaan gelinta  dadaweyanaha mudaharaadyay waxa ka mida ahaa  erayadii ay ku dhawaaqayeen ‘’ Gudidu ma aha dhex dhexaad ee waxay u jan jeedhaan   dhinac .

Intaa ka dib
waxa  goobtii  dibed baxu ka socday  soo gaadhay  ciidanka booliska,kuwaasoo xoog ku    kala kaxeeyay mudaharaadayaashii  , waxaana ay  boolisku  gacanta ku dhigeen  10 qof weli oo xabsiga ku jira.

 Waxaa  iyaguna shir  jaraa id oo ay   kaga hadlayeen arrintaas Magaalada Burco ku qabtay    masuuliyiinta  Urur siyaadeedka Gurmad ee Gobolka Togdheer , waxaana ay  sheegen in ay  ka xun yihiin in boolisku iska hortaageen mudaharaadkii ay ku muujin lahaayeen   cabashadooda ku adaan  mawqifka ay istaageen gudida diwaan gelinta oo ay sheegeen ina aanay xaq ahayn  , iyaga oo xusay inuu ahaa mid   salmiya oo ay si nabada u qabsan lahaayeen .

Waxaana   halkaas  ka hadlay Oday Jamaac Axmed  Dheeg ‘’waxaan u sheegayaa dhamaan taageerayaasha Urur siyadeedka Gurmad in aanay ka gaabin awqifkooda ku aadan  in ay dhiibtaan cabashadooda oo aanay kala ka xayn karin  laba gaadhi oo boolis, waxanay sheegeen masuuliyiintaa u hadlaysay  Urur siyadeedka Gurmad in aanay joojin doonin mudaharaadadaas  oo aanay ballan sanyihiin maalinta beri   ee ay bishu tahay 23/4/2012 ee maalinta Isniinta  .

 Dhinaca kale  ku simaha badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Ubaxle,ayaa weerar ku qaaday laba weriye oo ka halwgala  Telefiishanka Somalisat   iyo shabakeda wararka ee Ramaasnews Cabdi Maalig iyo Mukhtaar  Maxamed Jaamac ( Nadaaro),kuwaasoo ay garaceen ciidankii  boolisku, iyaga oo sida oo kalena burburiyay qalabkii ay suxufiyiintu siteen.

No comments: