Pages home

Sunday 22 April 2012

Kooxda Khaatumo State Oo Caydhisay Xubin Ka Tirsan Golaha Dhaqanka Oo Ka Biyo Diiday Siyaasadooda Iyo Burbur Soo Wajahay,


Kooxda Khaatumo State Oo Caydhisay Xubin Ka Tirsan Golaha Dhaqanka Oo Ka Biyo Diiday Siyaasadooda Iyo Burbur Soo Wajahay,

 Taleex(Rajonews)  Apr, 22, 2012- Kooxda Khaatumo, ayaa sheegtay in ay xilkii yy golaha dhaqanka ka hayay ka xayuubiyeen  Boqor Cabdilaahi Axmed Cali (Dabgooye) oo ka mida sagaalka xubnood ee golaha sare ee dhaqanka.
 War-murtiyeed laga soo saaray degmada Taleex ee xarunta  ayaa lagu  sheegay Boqorka  kalsoonidii lagala noqday , ka dib markii uu Magaalada Garoowe kaga qaybgalay shirkii lagu ansixinayay dastuurka maamu goboleedka Puntland, waxaana war-murtiyeedku u dhignaa sidan:
 Golaha  sare ee dhaqanka ee Dhulbahante ( GSD), waxa  xilkii iyo kalsoonidii kala noqday
Boqor Cabdilaahi Axmed Cali (Dabagooye), waxa uu ka qaybgalay shirkii lagu ansixinayay dastuurka Puntland oo maamulka Khaatumo ka madaxbanaan yahay, taasoo ka soo horjeeeda axdigii ay beelaha Dhulbahante ku heshiiyeen.
 Waxa uu Goluhu ogaysiinayaa beesha Xuseen Siciid in boqorku ku xadgudbay heshiiska beesha ee guud , isla markaana uu hadda wixii ka dambeeya mateli Karin danaha beesha Dhulbahante.
 Garaad Abshir Garaad Saalax oo ka mid ah hogaanka sare ee maamulka Khaatumo, ayaa toddobaadkii hore go’aansaday in uu isaga  haajiro kooxdaas, oo ku tilmaamay  mid diciifa oo aan lagu aamin Karin mustaqbalka dadkii doortay.
  Xilka ka qaadista  Boqor Cabdilaahi Gabgooye, ayaa furfuri karta siyaasada Khaatumo State, maadaama oo uu ka mida ahaa  raggii dhibada u aasay bishii January ee markii lagaga  dhawaaqay Magaalada Taleex.

No comments: