Pages home

Sunday 22 April 2012

Mudaharaadkii Ay Ku Baaqeen Ururadii Ku Hadhay Qiimayntii Madax-taabshada Ahayd Oo Guuldaraystay Iyo Xukuumadda Oo Adkaysay Amniga Magaalooyinka.


Mudaharaadkii Ay Ku Baaqeen Ururadii Ku Hadhay Qiimayntii Madax-taabshada Ahayd Oo Guuldaraystay Iyo Xukuumadda Oo Adkaysay Amniga Magaalooyinka. 

Hargeysa (Rajonew) Apr, 22, 2012- Mudaharaadkii ay maalintii shalay ku baaqeen ururadii ku hadhay qiimayntii madax-taabashada ahayd ee ay guddida diwaagelintu ururadu sameeyeen, ayaan saaka  dhicin .
 Mudaharaadyada oo ka dhici lahaa  guud ahaan deegaamada Somaliland, ayaa la sheegay in ay hakiyeen khilaafaadyo soo dhexgalay  hogaamiyayaashii  shalay baaqa jeediyay,kuwaasoo isku afgaran waayay sida loo abaabulaya  isu soo baxyadii la qorsheeyay, waxaana qaar ka mid ahi ay ka laabteen go’aanadii hore  la isula qaatay.
  Laba ka mida ururada ayaa la sheegay
in ay   ka noqdeen baaqoodii mudaharaadyada, waxaana ay sheegeen in  aanay suurtgal ahayn qabashada banaanbaxyada,maadaama oo aanay xukuumaddu ogolayn arrintaas, isla markaana aanay jirin warqada fasaxaysa oo ay bixisay wasaarada arrimaha guduhu.
 Shan ka mida madaxda uruaradii hadhay, ayaa wasaarada gudaha maanta kula kulmay wasiirka wasaaradaas Maxamed Nuur Carraale (Duur), waxaana ay ka codsadeen wasiirka in  uu siiyo warqad u fasaxaysa mudaharaadyada oo ay bilaabi doonaan maalinta beri,laakiin wasiirka ayaa la sheegay in  uu diiday codsigaas.
 Dhanka kale xukuumada ayaa   adkaysay amniga Magaalooyin dalka, waxaana dariiqyada la dhigay kumanaan askari  oo si weyn hubaysan,taasoo cabsi galisay taageerayaasha mucaaradka,
 Si kastaba ha ahaate mudaharaadyadii lagu baaqay shalay ayaa wiiqmay, iyada oo aanay jirin dhaqdhaqaaqyo laga dareemayo Magaalooyinka dalka,hase ahaate meelo wadanka ka mida ayaa tiro yar oo dad ahi muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan natiijadii ay guddida diwaangelintu ku dhawaaqeen maalintii Jimcihii.





  


 


No comments: