Pages home

Sunday 22 April 2012

Siddeedii Urur-Siyaasadeed Ee Laga Reebay Ka Qaybgalka Doorashada Golaha Degaanka Oo War-saxaafadeed Ay Ku Qabteen Magaalada Hargeysa Kalsoonidii Kala Noqday Guddida Diiwaangelinta, Taageerayaashoodana Ka Dalbaday.....(Daawo War-saxaafadeedka).

argeysa(Rajonews) Apr.21, 2012 – Masuuliyiinta Siddeedii Urur-Siyaasadeed ee maalintii shalay ay ka reebtay guddida diiwaangelinta ururadu, ka qaybgalka doorashada golaha degaanka ee soo socda, ayaa maanta war-saxaafadeed ku qabtay magaalada Hargeysa.Masuuliyiintan ayaa war-saxaafadeedkooda ku sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen guddida diiwaangelinta, isla markaana taageerayaashooda ugu baaqay isu soo bax socon doona muddo Saddex cisho ah. Isu soo baxaa oo ay ku muujin doonaan sida ay uga soo horjeedaan go'aanka guddidu ururadooda kaga reebtay, ka qaybgalka doorashada goleyaasha degaanka ee fooda innagu soo haya.

Wa-saxaafadeedkooda oo dhameystirani waa kan ee ka daawo halkan hoose:

Rajonews.com

No comments: