Pages home

Sunday 22 April 2012

Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Dhageysatay Wejiga Labaad Ee Dacwada Masuuliyiinta Musuqa U Xidhan Iyo Xabsiga Oo Laga Bedalay Askartii Ilaalada Ka Ahaa Buur-Madow Iyo Xamarji.


Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Dhageysatay Wejiga Labaad Ee Dacwada Masuuliyiinta Musuqa U Xidhan Iyo Xabsiga Oo Laga Bedalay Askartii Ilaalada Ka Ahaa Buur-Madow Iyo Xamarji.

Hargeysa (Rajonews) Apr 21, 2012 – Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa maanta bilowday wejiga labaad ee dhageysiga dacwada masuuliyiinta loo haysto leexsiga raashinkii la dhacay.
Maxkamada oo todobaadkii hore bilowday dhageysiga dacwadan oo muddo dheer laga dhursugayey isla-markaana xeer ilaalinta gobolka Hargeysa ku oogayso saddexda masuul ee kala ah Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi-jeex, agaasimihii guud ee wasaarada dib-u-dejinta iyo la taliyihii Madaxwayne ku xigeenka Somaliland,
ayaa maanta mar labaad ka bilaabantay Maxkamada gobolka Hargeysa.Dacwadan oo ah mid xaasaasi ah oo xukumaddu dhibane ka tahay ayaa maanta xeer ilaalintu maxkamada keentay lix Markhaati oo dhammaantood ka tirsan ciidamada booliska, kuwaasi oo ah ciidamadii qabtay raashinkan la musuqmaasuqay.
Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa lixdan Markhaati mid mid u wareystay si waxa ay arintaasi ka ogyihiin ay soo bandhigaan wixii ay markhaatiga ka ahaayeen.
Lixda markhaati ayaa mid walba waxa uu cadeeyay in aanay mar kaliya arag badhasaabka gobolka Maroodi-jeex oo ka mid ah masuuliyiinta kiiskan ku eedaysan isla-markaana loo tuhmayo inuu gacan ku lahaa lunsiga raashinkaasi, iyagga oo sheegay inuu isagu markii hore u sheegay inay qabtaan raashinka markii bakhaarka xaafada Idaacada Hargeysa laga raranayey.
Dhageysiga dacwadan ayaa sii socon doonta maalmaha soo socda si go’aan looga gaadho.
Ka sakow dhageysiga dacwadan, saraakiil ka tirsan ciidamada asluubta ayaa la sheegay inay baadhitaan ku sameeyeen qolka maxaabiistaasi kaga jiraan jeelka dhexe ee Hargeysa intii ay maxkamada ku maqnaayeen, iyadda oo la tilmaamay in baahditaanka ka dib saraakiisha asluubtu bedaleen askar ka mid ah kuwo ilaalada ka ah jeelka, gaar ahaan qolalka ay ku jiraan Masuuliyiinta musuqa u xidhan iyo boqor Buur-madow, iyagga oo bedaladaasina ku sababeeyay inay u naxariistaan saddexda masuul iyo boqor-buur-madow.

No comments: