Pages home

Sunday 22 April 2012

Prof Axmed Ismaaciil Samater Oo Taageeray Shuruuda Somaliland Ku xidhay Wadahadalada TFG Iyo Faysal Cali Waraabe Oo U Quus Gooyay Maamulka Puntland.


Prof Axmed Ismaaciil Samater Oo Taageeray Shuruuda Somaliland Ku xidhay Wadahadalada TFG Iyo Faysal Cali Waraabe Oo U Quus Gooyay Maamulka Puntland.

Hargeysa (Rajonews) Apr 21, 2012 – Prof Axmed Ismaaciil Samater oo ah aqoonyahan ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan mabda’a Somali-weyn ayaa soo dhaweeyay in Somaliland qaadacdo wada hadalo ay la gasho guddi ka socota Somaliya oo ay ku jiraan xubno asal ahaan ka soo jeeda Somaliland.Prof Axmed Ismaaciil Samater ayuu dhinaca kale ka soo horjeedsaday in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya loo xulo siyaasiyiin labada dhinac ka soo jeeda, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in Somaliland iyo Soomaliyaba laga xulo dad aqoon
iyo khibrad leh oo laga yaqaan Somaliya, kuwaasi oo uu tilmaamay inay yihiin kuwo kaliya ee ka garnaqi kara dhibaatada ka jirta “Anigu Somaliland waan u dhashay, laakiin aniga iyo xisbiga Hiil-qaran mabda’oodu waxa weeye in Somali la isku hayo oo ay meel qudha isugu timaado oo sidii ay ahaan jirtay noqoto, hase yeeshee wakhtiga imika jooga wasiirkaa hadlay waxaan u arkaa inuu gar ku joogo, waana in taariikhda la eegaa sanadkii 1960-kii waxa isku soo biiray laba dawladood oo ahaa British Somaliland Iyo Somaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray, markaa haddii la isku soo noqonayo in labadoodu si wanaagsan u wada hadlaan waa lagama maarmaan”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Laakiin anagu waxaanu leenahay arintan waa in laga saaraa wasiiro iyo siyaasiyiinta ama jiilka (Dadka wakhtigan), waa in dadka doonaya midowga laga soo saaraa guddi ah dad kartidooda iyo maamuuskooda wadanka laga yaqaano oo maskaxdoodu tahay mid Madax-banaan oo aan dawlad ka soo jeedin, waxaanan odhan lahayn in Somaliland laga soo xulo dad degmada laga yaqaano oo karti leh oo dawlada ka madax-banaan, laakiin arinka haddii mid siyaasadeed laga dhigo oo labada xukuumadood ee hadda joogaa doonayaan inay turubka wada ciyaaraan u malayn mayno in halkaa guul laga keenayo, waxaanuna odhan lahayn Somaliland oo walaalahayo ah inay soo saaraan dad aqoontooda, maskaxdooda iyo kartidoodaba la yaqaano oo fahamsan qadiyada Somaliland, waxa la tabanayo, arintana meel sare ka eega, sida adduunka ka dhacdana laba komiishan oo labada dhinac ka socdaa ay wada hadlaan, marka dambana soo saaraan war-murtiyeed oo ay adduunka la hadlaan, xaquna labada dhinacba wuu yaalaa laakiin arintu waxa weeye sidii labada xaq la isugu keeni lahaa.”
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo isaguna ka qayb-qaatay dood laanta afka Soomaliga ee BBC-du ka qabatay wada jadalada Somaliland iyo Soomaliya ayaa isagu qaadacay fikrada Prof Samater ee ah in guddiyada wada hadalada Somaliland iyo Somaliya laga madax-banaaneeyo siyaasad “Prof-sayrka waan la yaabay, magac weyna wuu sitaa fikradiisuna maaha wax uu ku hadli karo qof caadi ahi, dawlad dhisan oo la soo doortay oo sida Obama oo kale loo soo doortay in la yidhaahdo ka joog adigu ma xaajoonaysid oo waxa xaajonaya dad kale’e, imika xisbigiisa Hiil-qaran isaga ayaa isku magacaabay”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya labada wasiir ee Sheekh Shariif Puntland kaga daray guddida wada hadalada Somaliland iyo Somaliya “lixdankii markii aanu isku darsanay saddex Soomaliyeed may jirin ee British Somaliland iyo Itaaliyaan Somailland-baa jiray, hadhowna ha isku daraan ama hakala taagaane qolo walba kitaab muqadas ah ayay sidataaye, waa in si siman loo wada hadlaa, markaa imika waxa noo cadaatay in maamulka Somaliya ka dhisan aanu Madax-banaanayn ee lagu shaqeysto oo dad doonaya in Somali aanay heshiin wadaan, anaguna waxaanu nidhi waxaanu la fadhiisanaynaa TFG iyadda oo aan madax-banaanayn, markaa ixtiraamkayagii haddii uu noqday in Somaliland la rifo, waxaan leeyahay Somaliland kala daadashadeedu Somali waxba u tari maayo, Somaaliya-na iyadda ayaa noo baahan”
Prof Axmed Ismaaciil Samater oo mar labaad ku soo noqday doodaasi ayaa isaga oo hadalka Faysal dibaaqaya yidhi “Faysal Cali Waraabe, anagu isma naqaano laakiin wixii lagu sheegayey ayaa ka soo baxay oo wax aanu ogeyn ayuu faalo ka bixinayaa, xisbigana waa xisbi weyn oo dadka ku jira la yaqaano, markaa in Faysal soo baadhaa waa muhiim”
Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna mar labaad isaga oo ka soo horjeeda talada Prof Samater ee ah in arinka siyaasiyiinta laga daayo yidhi “Aniga waa ii kow in dawlada shaqeynaya oo dadkooda u hadlaya la yidhaahdo iska fadhiista, laakiin Samater waxaan leeyahay arinta ha inaga fogeyn ee arintu imika ayay soo dhawaatee, mida kale haddii aad soo magacowdo Inanka jooga Laascaanood maxaan kala hadlaa ma Laasqoreyba kala hadlaa, anagu lixdankii markii aanu isku biirney Soomaliya xitaa Puntland may jirin, anaga Puntland Iyo Galmudug waa noo Soomaliya, laakiin inanka Somaliland ka soo jeeda haddii aad qabiil ahaan ku soo magacowdo taasi gar maaha ee ha ina waalina”
Eng Faysal Cali Waraabe oo abwaan barnaamijka ka qayb-qaadanayey la hor-dhigay sida uu u arko in Somaliya xeedho ku soo qaado dawladnimada oo ay Somaliland ula timaado si dhibaatadii dhacday loo xaliyo ayaa ku jawaabay “Anagu waxaanu u aragnaa in danta Somaliyeed ku jirto Somaliland iyo Somaliya oo noqda laba dal oo jaar ah oo xuduuduhu isku furan yihiin, laakiin meel lagu jabay laguma noqdo, markaa waxaan leeyahay inaad Inanta keentaan iyo in kale horta aynu isku nimaadno”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in faro-galinta arimaha TFG-da ee Puntland muujinayso laciifnimada TFG-da “In Puntland sheekada wada hadalada soo gasho waxay cadaynaysaa TFG-da oo daciif ah, markaa waxaanu sugaynaa sida dawladayadu sheegtay inta ay imanayso dawlad aanay Garoowe garab carareyn, anaga ayaa khalad samaynay markii aanu nidhi waanu la hadlaynaa dawlad la siman tuulada Garoowe”
Prof Axmed Ismaaciil Samater, oo la waydiiyey sida uu u arko hadalka Faysal Cali Waraabe ayaa ku jawaabay “Lama baa’biin karo xaqiiqada ah in 1960-kii ay isku biireen labadii Somaliyeed ee labada gumaysi kala haysteen ee British Somaliland iyo Itaaliyaan Somaliland, markaa Faysal waan ku raacsanahay inuu Faysal sidaa oga hadlo”

No comments: