Pages home

Tuesday 24 April 2012

Isku Aadka Tartamada Kubada Cagta Ee Ciyaaraha Olimpikada Oo La Soo Saaray.


Waxaa maanta la soo saaray isku aadka tartanka kubada cagta ragga ee ciyaaraha Olimpikada ee ka dhacaya bisha July ee sannadkan magaalada London ee dalka Ingariiska.
Xulka Great Britian oo laga soo xuli doono dalalka ay ka kooban tahay UK, ayaa ku jira Group adag waxaana ay Group A la wadaagaan Senegal, United Arab Emirates iyo Uruguay.
Dhawaan ayaa muran uu ka jiray soo xulida ciyaartoyda ka qeybgaleysa ciyaaraha Olimpikada ee Great Britain, lakiin FA-ga ayaa sheegay in ciyaartoyda ka qeybgasha ciyaaraha Euro 2012 inaysan ciyaari doonin ciyaaraha Olimpikada.
Waxaa la filayaa in xulalka ka qeybgalaya lagu soo darro sida caadiga ah ciyaaryahano magac leh, lakiin badankood waxa aay ku tiirsanaan doonaan ciyaartooyda da’dooda ka yar tahay 23 jir.
Isku aadka tartanka kubada cagta ragga ee ciyaaraha Olimpikada waa sida tan:
Group A: Great Britain, Senegal, United Arab Emirates, Uruguay
Group B: Mexico, South Korea, Gabon, SwitzerlandGroup C: Brazil, Egypt, Belarus, New Zealand
Group D: Spain, Japan, Honduras, Morocco
Isku aadka tartanka kubada cagta haweenka ee ciyaaraha Olimpikada waa sida tan:
Group E: Great Britain, New Zealand, Cameroon, Brazil
Group F: Japan, Canada, Sweden, South Africa
Group G: USA, France, Colombia, Korea DPR
rajonews.com

No comments: