Pages home

Tuesday 24 April 2012

Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Bilowday Dhageysiga Dacwada Loo Haysto Boqor Buur-Madow Iyo Nuxurka Eedaymaha Xeer Ilaalintu Kiiskan U Cuskatay

Hargeysa (Rajonews) Apr 24,2012 – Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa maanta gudo-gashay dhageysiga dacwada boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-madow) oo muddo dhowr bilood ah ku xidhnaa jeelka dhexe ee Hargeysa.
Dacwadan oo noqonaysa tii ugu horeysay ee masuul Madax-dhaqameed ah lagu soo oogo, ayaan loo ogolayn inay warbaahintu goob-joog ka ahaato, iyadda oo bilowgii dhageysiga dacwadan ay u soo diyaar-garoobeen dad badan oo ay ku jiraan Madax-dhaqameed iyo ehelada boqor Cismaan Aw Muxumed Buu-madow.
Dhageysiga dacwadan loo haysto boqor Buur-Madow oo nuxurkeedu yahay inuu wax ka sheegay shakhsiyada Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo xukuumaddiisa ayaa waxa boqorka ku soo oogay xeer-ilaalinta gobolka oo muddo kiiskan baadhayey isla-markaana hore u codsaday in dib loogu dhigo.
Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow) ayaa waxa difaacaya laba garyaqaan oo kala ah Maxamed Jaamac iyo Maxamed
Siciid, kuwaasi oo hore kiiskan ugu tilmaamay mid xaqdaro ah oo lagaga soo horjeedo xoriyatul-qowlka Somaliland.
Inkasta oo aan dhageysiga dacwadan warbaahinta loo ogolayn ayaa ehelada Boqorka oo aanu wax ka waydiinay nuxurka dacwadaasi ayaa sheegay in xeer ilaalintu kiiskooda u cuskadeen ama ay ku eedeeyeen boqorka inuu sameeyay kicin dadwayne iyo inuu dalka dibadiisa ka sheegay waxyaabo aan dalka gudihiisa ka jirin oo uu aad u buunbuuniyey.
Dhageysiga dacwadan ayaa la filayaa inay sii socoto maalmaha soo socda iyadda oo aan la garanayn in Boqorka oo xadhigiisani buuq badan dalka ka abuurtay la siidayn doono iyo in kale, iyadda oo maanta agagaarka Maxkamada la dhoobay ciidamo badan oo boolis ah, kuwaasi oo aad u adkeeyay amaanka maxkamada gobolka Hargeysa.

No comments: