Pages home

Tuesday 24 April 2012

Madaxweyne Siilaanyo Oo Saxeexay Xeerarka Baananka iyo Afar Bank Oo Xaqiiiyey inay Xarumo Ka Furanayaan Hargeysa


Hargeysa (Rajonews)– Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Mr. Cabdi Dirir ayaa gallabta u xaqiijiyey Wakaaladda wararka ee Reuters inuu Madaxweyne Siilaanyo saxeexay dhaqan-gelinta xeerka baananka Somaliland ka dib markii golaha wakiiladdu ay soo ansixiyeen.
Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland wuxuu sheegay inay golayaasha sharci dejinta dalka ka sugayaan ansixinta xeerka kala xadaynta baananka ganacsiga Somaliland (Somaliland Banking Act Law) kaasi oo sharciyeyn doona qaabka ay baananku u hirgelayaan.
ka dib meel marintani Xeerka baananka ay Xukuumaddu fulisay ayaa waxaa durtaba ku dhawaaqay inay danaynayaan furashada xarumo ay ku yeeshaan Somaliland shan Baan oo
ku yaalla mandaqadda beriga Afrika iyo gacanka cadmeed.
Baanka dhexe ee dalka Yemen ee loo yaqaano CAC oo ah Bangi ganacsi ayaa isagu qadimay inuu xiiso weyn u qabo furashada xarun weyn oo ay ku yeeshaan caasimadda Hargeysa iyo gobolada dalka, waxaa sidoo kale baaqaasi soo raacay Bangiga Salaama African Bank oo xaruntiisu tahay dalka Jibouti, Bangi laga leeyahay dalka Swizerland oo la yidhaahdo Banque de Depot de Credit oo ay shuraako ku yahiin gancsato reer Somaliland ah Oomaar iyo Baxsane.
Baanankani ayaa waxay u sahli doonaan ganacsatada iyo ganacsiga Somaliland hannaanka ganacsiga iyo xawilaadda Buugga diiwaanka lacagaha (LC) oo ay markii hore ganacsatada waaweyn ee Somaliland ay dalalka dariska u tagi jireen, waxay sidoo kale Bangiyadani maalgelin ku samayn doonaa suuqyada ganacsiga dalka sida suuqa iibsiga guryaha, Beeraha, iyo wixii la halmaala, waxaanay u tahay fursad ay Somaliland inteeda kale kula macaamili karto.

No comments: