Pages home

Sunday 22 April 2012

Qaramada Midoobay Oo Somaliland Ugu Baaqday Inay Ka Qayb-gasho Shirka Somaliya Loogu Qabanayo Turkiga Iyo Raysal-wasaaraha Dalkaasi Oo Casuumaya Madaxwayne Siilaanyo.


Qaramada Midoobay Oo Somaliland Ugu Baaqday Inay Ka Qayb-gasho Shirka Somaliya Loogu Qabanayo Turkiga Iyo Raysal-wasaaraha Dalkaasi Oo Casuumaya Madaxwayne Siilaanyo.

Hargeysa (Rajonews) Apr 21,2012 – Ergayga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Soomaliya Dr Augustine Mahiga ayaa Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu baaqay inay ka qayb-galaan shirka Soomaliya loogu qabanayo Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Dr Augustine Mahiga oo maanta qasriga Madaxtooyadda kula kulmay Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in shirka ka dhacaya horaanta bisha June Istanbul uu yahay mid
wax ku ool ah oo ay muhiim tahay in Somaliland ka qayb-gasho.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay qasriga Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Mahiga Madaxwaynaha u soo jeediyay ka qayb-galka shirkaasi “Waxa uu tilmaamay muhiimada uu leeyahay shirka ka dhici doona magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, horaanta bisha June ee sanadkan, isagoo ku dhiiri geliyey inay Somaliland ka qayb gasho shirkaas, oo ah mid waxku ool ah”sidaa waxa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.
Shirkan oo ah wejigii labaad ee shirkii London ee dawlada Ingiriisku qaban-qaabisay, balse hadda dawlada Turkigu qaban-qaabisay iyadda oo aan kala saarin Somaliland iyo Somaliya, sidii Ingiriisku yeelay, ayaa ergayga qaramada midoobay ugu baaqay Somaliland inay ka qayb-gasho.
Hadalkan ka soo yeedhay Dr Mahiga ayaa imanaya iyadda oo hore safiirka dawlada Turkiga u fadhiya Somaliya AMBASSADOR KANI TORUN oo 29-kii bishii March ee 2012, oo Madaxwayne Axmed Siilaanyo la kulmay uu ku sheegay in dawladiisu casuumayso “Waxa uu safiirku madaxweynaha u muujiyey xiisaha ay dawladiisu u hayso wax la qabsiga Somaliland, isagoo sheegay in uu ku rajo weyn yahay inay dawladiisu dhawaan martiqaad u fidin doonto madaxweynaha Somaliland, oo ay kulmi doonan ra’iisal wasaaraha Turkiga iyo madax kaleba”sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed Madaxtooyada ka soo baxay oo lagu faahfaahiyey kulankaasi ay yeesheen Madaxwaynaha Somaliland iyo safiirka Turkiga ee Somaliya.

No comments: