Pages home

Sunday 22 April 2012

Wasiir Duur Oo Nidar Ku Maray Inuu Aqoonsiga Kala Noqon Doono Cuqaasha Dhaliisha Siyaasada Xukuumadda Iyo Weji Ku Macaashka Dawlada Oo Sii Kordhaya.


Wasiir Duur Oo Nidar Ku Maray Inuu Aqoonsiga Kala Noqon Doono Cuqaasha Dhaliisha Siyaasada Xukuumadda Iyo Weji Ku Macaashka Dawlada Oo Sii Kordhaya.

Hargeysa (Rajonews) Apr.21, 2012 - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland  Maxamed Nuur Carraale (Duur),  ayaa ku hanjabay in aqoonsiga kala noqon doono, isla markaana uu gunada ka jari doono Cuqaasha  dhaliisha xukuumadda uu ka tirsan yahay.

 Waxa uu sheegay in qaar ka mida Cuqaasha ay warbaahinta xukuumada u mariyaan eedo ay xaalado  ku abuurayaan,iyada oo dastuurka wadanku  ogol yahay in ay muwaadiniinta soo bandhiga karaan tabashooyinkooda.
Wasiirka ayaa  hadalkan
ku dhawaaqay  mar uu maanta guddi hoosaadka joogta ah ee golaha Guurtida  uga xog-waramayay xaaladda ammaanka ee dalka, waxaana si cad uga dhawaaqay in uu  si rasmi ah xadhiga ugu jari doono Caaqilada soo bandhiga  tabashooyinka ay beelahoodu ka tirsanayaan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, isaga oo wacad ku maray in  uu tallaabadaas si dhakhso u qaadi doono.
“Waa in la xakameeyaa mida kale odayaasha dhaqanku xukuumadda waxa ay ka qaataan mushahar, waxna xukuumada uguma qabtaan, waxaana ay noqdeen dadka loo adeegsado dacaayadaha   dawlada ka dhanka ah, inta ay warbaahinta soo fadhiisteen ay ka yidhaahdaan haddaanu nahay reer caynkaa iyo caynkaasaanu yeelaynaa, waxaan uga digayaa intii madax dhaqamedka noocaas ah in aan ka saari doono liiska wasaarada, waan ka saari doonaa uma aqoonsan doono Caaqil kasta oo  in uu soo hor fadhiistu warbaahinta oo isaga oo hantida dawlada (Isticmaalaya)” ayuu yidhi wasiirka ariimaha gudaha Somaliland.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmayaa xilli xiisado ka dhashay tabashooyin beelaha dalka qaarkood ay tirsanayaan ay cirka isku  sii shareerayaan, iyada oo xukuumadda talada haysaa ay danaheeda gaarka ah u adeegsato kooxo wata magacyada beelaha oo loo yaqaano weji ku macaash.
Warbaahinta dawlada ayaa si joogto ah u baahisa odayaal iyo dadka kale oo lagu magacaabo in ay taabacsan yihiin siyaasada xukuumada, isla markaana  ka soo horjeeda kuwa naqdiya xukuumadda talada haya.

No comments: