Pages home

Friday 20 April 2012

Ururka WADANI Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Guddida Diiwaangalinta Ururada Siyaasada, Kuna Baaqay In Si Deg-Deg Ah Loo Muddeeyo Qabsoomida Doorashada Deegaanka


Ururka WADANI Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Guddida Diiwaangalinta Ururada Siyaasada, Kuna Baaqay In Si Deg-Deg Ah Loo Muddeeyo Qabsoomida Doorashada Deegaanka

Hargeysa (Rajonews) Apr 20,2012 – Urur siyaasadeedka Wadani oo kaalinta koowaad ka galay qiimayntii guddida diiwaangalinta ururada siyaasada ee u soo baxay ururada ka qayb-galaya doorashada deegaanka ayaa go’aanka guddidaasi soo dhaweeyay.
War-saxaafadeed uu maanta Hargeysa ka soo saaray Guddoomiyaha ururka WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa lagu sheegay in ururku ku ganacsan yahay go’aankaasi, isaga oo Guddoomiyuhu ku baaqay
in si dhakhso ah loo muddeeyo wakhtiga doorashada dawladaha hoose dhacayso.
War-saxaafadeedkan oo sidoo kale lagu soo qaaday falkii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo xaalad caafimaad loogu qaaday dalka dibadiisa ayaa isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan “Haddi aanu nahay urur siyaasadeedka WADDANI  waxaanu soo dhaweynaynaa kuna qanacsanahay natiijada qiimeynta ururrada siyaasadda JSL  ee ay ku dhawaaqeen Guddida Diiwaagelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka maanta oo Jimce ah taariikhduna tahay 20th April 2012.
Guddidu waxay mudan tahay in lagu bogaadiyo sida ay u guteen xilkii qaranku u igmaday.
Waxaannu Guddida Doorashooyinka Qaranka u soo jeedinaynaa inay u cayimaan sida ugu dhakhsaha badan xiliga ay qabsoomayso doorashada golayaasha deegaanka JSL. Sidoo kale, waxaanu xukuumadda iyo golayaasha qaranka u soo jeedinaynaa inay gacan buuxda siiyaan Guddida Doorashooyinka Qaranka.
Waxaa kale oo fursadan uga faa'iidaysanayaa in aan kelmad kooban ka idhaahdo  arrinta hadal-haynteedu badan tahay ee ku saabsan dhacdadii la xidhiidhay shirkiii Golaha Dhexe ee Xisbul Xaakimka Kulmiye iyo Guddoomiye ku xigeenkii 2aad ee xisbigaas Md Cabdiraxmaan Cabdilqaadir Faarax.
1.      Waxaan rumeysanahay haddii aanu nahay urur siyaasadeedka WADDANI in xisbi kasta ama urur siyaasadeedka kastaa u madax bannaan yahay, mudan yahayna in lagu ixtiraamo xeerarkiisa iyo sida uu u anshax marinayo madaxdiisa iyo xubnihiisa.
2.      Hase yeeshee wixii dibedda uga soo baxa xisbi ama urur siyaasi ah waxay saameyn ku leeyihiin bulshada oo waanay ka hadlaysaa dareenkeedana way ka bixinaysaa.
3.       Mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Faarax waa siyaasi caan ah oo reer Somaliland ah, waxa uu ku leeyahay taariikhda halganka Somaliland  magac iyo maamuus wanaagsan. Waxa uu ka mid ahaa xubnaha hogaanka xisbiga Kulmiye oo waxa uu lahaa maamuuska saaraakiisha  qaranku leeyihiin. Xisbigu xaq buu u leeyahay inuu eedayn u soo jeediyo xubnihiisa. laakiin sida shuruucda caalamka, dhaqankeenna iyo diinteenaba ku cad qofka ama muwaadinka la eedeeyey waxa uu xaq u leeyahay in la siiyo fursad uu iskaga daafaco eedaha loo soo jeediyey. Fursadaas lama siin Md Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Faarax taas oo xad gudub ku ah xuquuqda asaasiga ah ee muwaadinka. Wixii kale ee hagardaamo ah ee soo gaadhay Md cabdiraxmaana waanu ka xunahay.
4.      Md Cabdiraxmaan Cabdulqaadir oo baadhis caafimaad ugu baxay UK oo aan ku booqday gurigiisa ka hor intaan la qaadin, waxaan Illaahay uga baryayaa inuu siiyo caafimaad sariic ah. 
Allaa Mahad Leh

No comments: