Pages home

Friday 20 April 2012

Guddoomiyaha Ururka UMADDA Oo Si Weyn U Soo Dhaweeyay Go’aanka Guddida Diiwaangalinta Ururada Oo Uu Ku Amaanay Inay Si Xilkasnimo Leh Hawsha U Wadaan


Guddoomiyaha Ururka UMADDA Oo Si Weyn U Soo Dhaweeyay Go’aanka Guddida Diiwaangalinta Ururada Oo Uu Ku Amaanay Inay Si Xilkasnimo Leh Hawsha U Wadaan

Hargeysa (Rajonews)  Apr 20, 2012 - Guddoomiyaha urur siyaasadeedka  Umadda Dr Maxamed Cabdi Yuusuf Gaboose, ayaa  si weyn  u soo dhaweeyay go’aankii guddida diiwaangalinta ururada iyo ansixinta axsaabta siyaasadu maanta soo saareen.
Dr Gaboose, waxa uu guddida diwaangelinta ku hambalyeeyay natiijadii ay soo saareen uu ku tilmaamay mid muujinaya xilkasnimada guddidaasi
isla-markaana ka turjumaysay masaaliixda  dalka, isaga oo sheegay in ururka uu Guddoomiyaha ka yahay ee UMADDU dedaal dheeraad ah u galay sidii uu uga mid noqon lahaa ururada ku soo baxa qiimaynta.
Guddoomiye Gaboose oo ka dib markii ay soo baxday natiijada ururada soo baxay iyo ku hadhay warbaahinta la hadlay ayaa aad u amaanay guddida diwaangalinta “Waxa aan hambalyo u diraynaa  guddida  diwaangelinta oo muujiyay xilkasnimo ballaadhan, anagu haddaanu nahay ururka Ummada nahay hore ayaanu u sheegnay dadnimadooda iyo kalsoonida aanu ka qabno sida ay wax u wadaan, waxaana aanu aaminsan nahay in waajibaadkii Qaran ee loo igmaday ay uga soo baxeen si milgo leh, markaa waxaan leeyahay hambalyo,  waxa kale oo aanu hambalyo u diraynaa dhammaan Qaranka Somaliland haddii ay tahay xukuumadda, shacabka”ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdi Gaboose, waxaanu intaa ku daray oo uu soo jeediyay “Waxaanu  u soo jeedinayaa in jidka dimuqraadiyada loogu socda si miisaan leh”
Dr Gaboose, waxa uu sheegay inay rajo fiican ka qabaan inay ku soo baxaan doorashada golayaasha deegaanka isla-markaana ka mid noqdaan asxaabta siyaasada Somaliland ee dhalan doona, isaga oo sheegay in ururka Umaddu ka kooban yahay dad u bislaaday siyaasada, lehna waayo-aragnimo badan “Maanta  waayo-aragnimo ayaanu leenahay, dadka meesha (ururka) ku jira ee masuuliyiinta ahina waa kuwo bisil oo isku aragti ah oo isku kalsoon, waana waayo arag”ayuu yidhi.

No comments: