Pages home

Saturday 21 April 2012

War-saxaafadeed: Madaxwaynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyadda Ku Qaabiley Ergayga Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliya.

War-saxaafadeed: Madaxwaynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyadda Ku Qaabiley Ergayga Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliya.
Hargeysa (somalilandhereosstars) Apr 21,2012 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta qasriga Madaxtooyadda ku qaabiley ergayga qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya Dr Mahiga.ar-saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Madaxtooyadda oo Ramaas soo gaadhay ayaa isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay  Wakiilka gaarka
ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr, Augustine Mahiga oo booqasho laba meelmood ah ku yimid dalka.
Booqashadan Augustine Mahiga oo ka mid ahayd safaradii uu hore ugu iman-jiray Jamhuuriyadda Somaliland  waxa uu Madaxweynuhu kaga warbixiyey kulankan Arrimo la xidhiidha nabad-gelyada iyo taageerada ay xukuumadiisu ka doonayso beesha caalamka inay ka taageerto adkaynta iyo kobcinta hawlaha nabad-gelyo ee dalka ka socda iyadoo la tixgelinayo khataraha, xasilooni daradu keento ee ka jira mandaqada geeska afrika.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka waramay hawlaha fidinta Dimu-quraadiyadda ee Dalka ka socda iyo Doorashooyinka Golayaasha deegaanka ee qorshaysan inay dalka ka dhacaan sanadkan.
Waxaanu si gaar ah madaxweynuhu tilmaamay in kala saaridii ururada siyaasada ay imika u gudbeen mar xaladii ugu danbaysay oo ah inay ka qayb galaan doorashada golayaasha deegaanka oo ay u soo baxeen 6 urur oo cusub iyo 3dii xisbi qaran ee hore u jiray.
Dhinaca kale wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramadada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa isna ku dheeraaday sida ay beesha caalamka iyo xog-hayaha guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaaba ay ugu faraxsan yihiin guulaha wax ku oolka ah ee ay Somaliland ka soo hoysay dhinacyada nabad-gelyada, Dimuquraadiyadda, dawlad wanaaga, la dagaalanka Budhcad badeeda iyo wax ka qabashada nabad-gelyo darada ka aloosan geeska afrika.
Waxaanu ka waramay sida ay beesha caalamku diyaarka ugu tahay inay laban-laabto wada shaqaynta iyo taakulaynta ay u fidiso Somaliland oo caalamku u arko inay tusaale wanaagsan u noqon karto Geeska afrika
Ugu dambayntii waxa uu tilmaamay muhiimada uu leeyahay shirka ka dhici doona magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, horaanta bisha June ee sanadkan, isagoo ku dhiiri geliyey inay Somaliland ka qayb gasho shirkaas, oo ah mid waxku ool ah.

ALLAA MAHAD LEH

No comments: