Pages home

Saturday 21 April 2012

Warsaxaafadeed Urur-Siyaasadeedka Horyaal Ka Soo Saaray Go'aankii Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda.

Warsaxaafadeed Urur-Siyaasadeedka Horyaal Ka Soo Saaray Go'aankii Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda.
Hargeysa (somalilandhereosstars) Apr 21,2012 – Urur siyaasadeedka HORYAAL ayaa si adag u qaadacay go’aankii Guddida diiwaangalintu ka saareen natiijadii qiimaynta oo ay ku sheegeen in ururka HORYAAL ku hadhay.War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha ururkaasi Maxamed Yuusuf Cali Gurey ayaa lagu sheegay sidan “Urur Siyaasadeedka  Horyaal  wuxuu halkan ku soo gudbinayaa mowqifkiisa ku aadan go’aankii ay ku sheegeen   Gudida Diiwaangelinta   in ururku Horyaal  ku hadhay qiimayntii  loogu gudbayey wejiga tartanka Doorashooyinka Golayaasha
Deegaanka.
Mowqifka Ururka:
1- Ururka Horyaal wuxuu aaminsan yahay inuu buuxiyey  dhamaan shuruudihii laga doonayay dhamaan marxaladihii kala duwanaa,sidoo kalena ay jireen qoraalo kormeerkii gudidu siiyeen.
2- Ururka Horyaal wuxuu qaadayaa talaabo kasta oo sharcigu u fasaxayo sidii uu uga hortegi lahaa go’aanka aan cadaaladda ku dhisnayn ee gudida diiwaan gelinta ka soo baxay.
3- Ururka Horyaal wuxuu ka dalbanayaa Gudida Diiwangelinta Ururada inay keenaan qoraal rasmi ah oo ay ku qeexan tahay  sababta ay ku cadaynayaan inuu buuxin waayay shuruudihii looga baahnaa .
4- Ururka Horyaal wuxuu ku wargelinayaa taagerayaashiisa meel kastoo ay  joogaan in dhawaaqa ka soo baxay Gudidda Diwaangelinta  aanu marnaba wax saamayn ah ku yeelan niyadoodii taageero ee Uruka,Waxana hogaanka Horyaal u balan qaadayaa in ay samayn doonaan dedaal kasta oo aynu ku heli karo xuquudeena naylka duudsiyey.
5- Uruka Horyaal wuxuu u sheegayaa Gudidda Diiwaangelinta Ururada in aanu aqbalin natiijada ay soo saareen, si sahalana ugu tegayn xuquuqdiisa ku xusan xeer No 14, taas oo si cad u damaanad qaadaysa waxyaabaha urur lagu noqon karo ama lagu waayi karo

No comments: