12.April.2012:- Maanta waxaa ka qarxay qaar ka mid ah caasimadaha Aduunka dagaal aad u qaraar waxaana la isku Adeeg-sanayay bar-kimooyinka lagu jiifto, dagaalkan ayaa maanta waxaa lagu xusayay oo lagu dabaal Dagayay maalinta dagaalka bar-kimooyinka oo ah kuwa heer caalami ah { Annual International Pillow Fight Day}

Dabaal-dagaan ayaa mar kaliya ka bilowday qaarada Yurub, illaa Eshiya, iyo
Dalalka Mareykanka iyo Canada Waxaana markii dambe uu soo wareegay Bariga Dhexe oo si aad la isugu garaacay bar-kimooyinka si ay u Muujiyaan xuska iyo dabaaldaga maalinta dagaalka Bar-kimooyinka
Wadooyinka caasimaddaha qaar ee Aduunka ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dad-weyne aad u fara badan Isla-markaana isugu soo baxay in ay xusaan oo ay ka qeyb-qaataan maalinta dagaalka Bar-kimooyinka oo Ku beegan maanta oo kale

Ciidamadda booliska ee ku sugnaa magaalooyinka ay ka dhacayeen dabaal-daga ayaa mar damcay in ay Kala eryaan ama kala raac-deeyaan balse waa ay ku guul-dareysteen inay kala ceyriyaan, hayeeshee Waxaa ku guuleysat in ay kala eryaan dadka isugu soo baxay dabaal-dagaan manta lagu xusayay maalinta Dagaalka Bar-kimooyinka booliska magaalada Shanghai ee Dalka Shiinaha

Hasa-ahaatee maalintan loo sameeyay maalinta dagaalka Bar-kimooyinka waxaa aas-aasay ha’adda Xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch waxaana ay ugu gol-lahaayeen in ay ku muujiyaan dagaaladdii Naxariista darrnaa ee ka socday aduunka oo loo yiqiinay dagaaladkii 1-waad iyo-dagaalkii 2-baadba, Iyagoona si gaar ah ugu sii gol leh dagaaladda maanta ka holcaya wadamada qaar

Hayeeshee arinta ugu qosolka badan ayaa ah in dagaalka bar-kimooyinka sharciyadda u yaal ayaa ah in la Isticmaalo bar-kimooyin fud-fudud in la isku garaaco oo la isku dhufto walibana si fufud oo aan qofka si Xoogan loogu dhufan barkinta waxaase meesha joogay baabuurta loo yaqaan ambalaasyadda si ay isbitaal Ugu qaadaan ciddii wax ku noqota dabaal-dagaan barkimaha ah

Sidoo kale ka qeyb-galkan dagaalka bar-kimooyinka waa mid lacag la’aan ah una furan da’kasta oo bini-Aadam ahkana soo qeyb-gali karaan dhammaan bulshadda caalamka
1 comment:
WAA LAYAAAB walee maalinta barki mooyinka aduunka
Post a Comment